Saturday, July 27, 2024

Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo dib u helay xorriyaddiisa 43 maalin kadib

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha MM-TV, Maxamed Cabdi Ilig ayaa dib u helay xorriyaddiisa kadib markii uu xirnaa 43 maalin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay TV-ga MM-TV.

“Saraakiisha Dambi-baadhista Booliska Somaliland oo sameeyay baadhitaan muddo badan socday ayaa ka gun-gaadhay Kiiska Wariye Maxamed Cabdi Ilig kuna gabogabeeyay in aanuu wax dambi ah ka galin dalka iyo dadka” ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay TV-ga

Qoraalka ayaa intaas raaciyay in baadhista CID-da ay muujisay in aanay sal iyo raad lahayn eedaymihii uu agaasimaha Sirdoonku kusoo oogay Maxamed Cabdi Ilig, sidaas darteedna Maxkamadda iyo xeer ilaalinta Gobolka Maroodijeex ay go’aamiyeen in Maxamed Ilig Xorriyaddiisa loo celiyo maadaama lagu waayay wax dambi ah.

Sida ku cad qoraaalka kasoo baxay TV-ga, Gudoomiyaha MM-TV ayaa la kulmay tacaddi iyo Awood sheegasho iyada oo hawl-wadeenada Hay’adda Sirdoonka Somaliland ay burburiyeen hantidii TV-ga sidoo kalena ay dhaawac u gaysteen Wariye Maxamed Cabdi Ilig.

“Danbi waa la igu waayay, waxaanan ku xidhnaa danbi la’aan.” ayuu yiri, Maxamed Ilig mar uu hadal kooban siiynayay MMTV kadib soo deysmadiisa

Agaasimaha guud ee MM Somali TV, Cabdishakur Dayib ayaa horaantii bishii January xaqiijiyay in askar ka tirsan Ciidanka Somaliland ay xireen qaar ka mid ah wariyaasha TV-ga xilli ay ay ku guda jireen howlahood shaqo.

War-saxafaadeed uu soo saaray xilligaas Agaasimaha ayuu ku yiri, ” Askar ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa xalay soo weeraray Xarunta MM-TV ee Magaalada Hargeisa, Halkaas oo ay dhibaato iyo gacan ka hadal ugu gaysteen Maamulka iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada shaqada ku sugnaa oo kala ah:- Maxamed Abdi Ilig (Guddoomiyaha MM-TV), Ilyaas Cabdinaasir iyo Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Andar)”

Maxamed Abdi Ilig ayaa xilligii la xiraayay wuxuu daadihinayay dood uu ciwaankeedu ahaa” Faa’iidada iyo Halista uu yeelan karo Isfahamka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia” waxaana ka qeyb gelayay Faysal Cali sheekh oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here