Godey – Waxaa magaalada Godey si rasmi ah looga daahfuray mashruuc tijaabo ah oo lagu dhimayo nafaqo-darrada hooyooyinka iyo caruurta, kaas oo ay fulinayso hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, iyada oo iskaashi lagala yeeshay maamulka deegaanka.
Mashruucan ayaa si gaar ah uga hirgalaya afar degmo oo ka tirsan DDS, kuwaas oo kala ah Qallaafe, Qabridahar, Xamaro iyo Doollo-bay. Ujeeddada ugu weyn ee mashruuca ayaa ah in hooyooyinka iyo caruurta la gaarsiiyo cunto isku dheelitiran si loo yareeyo heerarka nafaqo-xumida ee saameeya bulshada nugul.
Munaasabadda daahfurka mashruuca waxaa ka qeybgalay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS, Mudane Maxamuud Maxamed, masuuliyiin ka tirsan gobolka Shabeelle iyo wakiillo ka socday hay’adda WFP. Masuuliyiinta ayaa si wadajir ah uga hadlay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay bulshada deegaanka, gaar ahaan muddada tijaabada ah, iyagoo xusay in guusha mashruuca ay fure u noqon karto ballaarintiisa mustaqbalka.
Waxaa la rajeynayaa in mashruucani noqdo mid wax ku ool ah oo si waxtar leh looga hirgeliyo degmooyinka la bartilmaameedsaday, si kor loogu qaado caafimaadka nafaqada ee hooyooyinka iyo caruurta ku nool deegaannadaas.