Wednesday, December 4, 2024

Shirka dib-u-eegista wasiirrada Afrika iyo Turkiga oo ka bilowday Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Jabuuti waxay martigelineysa shirka seddexaad ee dib-u-eegista wasiirrada ee iskaashiga Afrika iyo Turkiga oo socon doona muddo laba maalin ah.

Turkigu ayaa mid noqday dowladaha xiririka istiraatijiyadeed la leh Midowga Afrika tan iyo 2008, taas oo keentay in shirarka iskaashiga Turkiga iyo Afrika loo qabto si joogto ah.

Shirarkan oo heer wasiir ah ayaa lagu dejiya qorshaha istaraatiijiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka Turkiga iyo Afrika, waxaana ka qaybgelaya 14 waddan oo Afrikaanka ah kuwaas oo kala ah Mauritania, Angola, Congo, Ghana, Comoros, Koonfurta Suudaan, Chad, Jabuuti, Equatorial Guinea, Libya, Nigeria, Zimbabwe. Zambia iyo Masar.

Soomaaliya oo saaxib dhaw la ah Turkiga ayaan ka mid ahayn ka qaybgalayaasha.

Shirkan waxaa lagu diyaarinaya qorsahaha Shir Madaxeedka Afraad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika, kaasi oo la qorsheeyay in lagu qabto mid ka mid ah dalalka Qaaradda Afrika 2026-ka.

Gabagabada shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro labo qoraal oo kala ah Bayaanka Wadajirka ah iyo Warbixinta Dhaqangelinta ee mudada 2022-2024, waxaana lagu ansixin doonaa kulanka Wasiirada ee maalinta Axada ah.

Dowladda Turkiga ayaa heshay sanadkii 2005-tii inay Midowga Africa ka noqoto xubin kor joogteyn ah, waxaana xilligaas kadib xoogeystay xiriirka ay la leedahay dowladaha Africa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here