Saturday, May 24, 2025

Shirwaynaha 8aad ee Ururka Macalimiinta DDS oo ka furmay Jigjiga

Jigjiga – Shirwayniha 8aad ee Ururka Macalimiinta Deegaanka Soomaalida ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Jigjiga, iyadoo halkudhig looga dhigay “Ixtiraamka iyo dhagaysiga codka macallimiinta waa dhisidda mustaqbal waxbarasho oo tayo leh.”

Masuuliyiinta ka qeybgashay shirweynaha waxaa kamid ah Wasiir ku xigeenka Xafiiska Waxbarashada DDS, Guuleed Axmed Cali, Madaxweyne ku xigeenka Ururka Macalimiinta Itoobiya, Shimelis Ababe, Gudoomiyaha Ururka Macalimiinta Deegaanka, Cabdulaahi Cabdi Badal, iyo bahda macalimiinta deegaanka iyo marti sharaf kale oo kala duwan.

Wasiir ku xigeenka Xafiiska Waxbarashada DDS, Guuleed Axmed Cali, ayaa khudbad uu jeediyey ku tilmaamay macallinka inuu yahay hantida ma guuraanka ah ee dal walba, isagoona xusay in macalimiintu ay ku shaqeeyaan duruufo kala duwan. Wasiir kuxigeenku ayaa intaa ku daray in Xafiiska Waxbarashada DDS si dhow ula shaqeeyo Ururka Macalimiinta si loo horumariyo tayada waxbarashada.

Shirweynaha ayaa looga hadlay arrimo la xiriira xaaladda macalimiinta, horumarinta xirfadaha waxbarashada, iyo sidii loo heli lahaa jawi shaqo oo wanaagsan oo kor u qaada tayada waxbarashada Deegaanka Soomaalida.

Shirweynahan ayaa la filayaa in uu horseedo talooyin iyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu taageerayo macalimiinta iyo guud ahaan nidaamka waxbarashada ee deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here