Sunday, May 25, 2025

Jabuuti oo Yaraynaysa Farqiga Ragga iyo Dumarka ee Warbaahinta Dijitaalka

JABUUTI – Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in ay dadaal xooggan ku bixinayso yareynta farqiga u dhexeeya ragga iyo dumarka ee la xiriira isticmaalka warbaahinta dijitaalka ah, iyadoo arrintan ay ka mid tahay qorsheyaasha looga golleeyahay xoojinta sinnaanta dijitaalka ah.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Jabuuti, Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon, ayaa hadalkan ka sheegay 17 May 2025 munaasabadda lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka, taas oo sanadkan diiradda saareysa ciribtirka sinnaan la’aanta dijitaalka ee ku saleysan jinsiga.

“Waxaan u aragnaa maalintan fursad lagu kobcinayo doorka haweenka ee dhanka warbaahinta casriga ah, si loo xaqiijiyo helitaanka fursado siman oo dijitaal ah,” ayuu yiri Wasiir Bahdoon.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladda Jabuuti ay diyaarinayso barnaamijyo wacyigelin iyo tababbarro gaar ah oo loogu talagalay haweenka, si kor loogu qaado ka-qaybgalka haweenka ee adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah, ayna qayb uga noqdaan kobaca dhaqaalaha warbaahinta dijitaalka ah.

Maalinta Isgaarsiinta iyo Macluumaadka, oo la aasaasay sannadkii 1865 xilligii la dhisay Ururka Isgaarsiinta Adduunka (ITU), ayaa sanadkan lagu xusaya hal-ku-dhigga “yareynta farqiga dijitaalka ee u dhexeeya ragga iyo dumarka,” iyadoo la tilmaamay in sinnaanta dijitaalka ay tahay furaha horumarka bulshada ee casriga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here