Friday, May 23, 2025
Array

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furtay xarun cusub oo u gaar ah wasaaradda, taasoo ay ku baxday maalgelin ka timid kharashaadka wasaaradda. Xarunta cusub ayaa ka kooban lix dabaq, iyada oo leh hool shirarka iyo munaasabadaha muhiimka ah, iyadoo maanta lagu qabtay xaflad xarig-jarka.

Muqdisho

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta ka furtay laanteedii saddexaad ee caasimadda Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile. Talaabadan ayaa looga golleeyahay in la fududeeyo helitaanka adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee muwaadiniinta ku nool magaalada.

Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa ku dhawaaqay guluf mideysan oo lagu wajahayo kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in hawlgalkani uu noqon doono mid lagu soo afjarayo kooxdan ka hawlgasha Soomaaliya.

Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa 19 May si rasmi ah u bilowday olole talaal, kaas oo looga golleeyahay in lagaga hortego cudurrada jadeecada, dabeysha, iyo Oof wareenka, iyadoo la beegsanayo in in ka badan 3 milyan oo carruur ah oo ku nool Soomaaliya.

Puntland

Xubin muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa lagu dilay howlgal isugu jiray dhul iyo cir oo laga fuliyay deegaanka Guryasamo, buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo Puntland ah.

Qabribayax

Magaalada Qabribayax ayaa martigelisay bandhig carweed si weyn loo soo agaasimay, kaas oo lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray wax-soosaarka calafka xoolaha, caanaha iyo isticmaalka tignoolajiyada casriga ah ee kobcisa wax-soosaarka dhaqaalaha deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here