Saturday, July 27, 2024

Jordan oo markii ugu horeysay taariikhda gaartay finalka koobka Asia

Dooxa (Dawan)- Xulka kubadda cagta ee Jordan ayaa markii ugu horeysay taariikhda u soo baxay finalka koobka Asia, ka dib markii ay labo gool ku garaaceen Kuuriyada Koonfureed.

Labada gool ee Jordan, waxaa dhaliyay ciyaartooyada lagu kala magacaabo Yazan Al-Naimat, daqiiqadii 53-aad iyo Muusa Al-Taamari, daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta.

Xulka Jordan ayaa soo bandhigay ciyaar isku xiran, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay garaan finaalka si ay u qaadaan koobkoodi ugu horeeyay ee Qaramada Asia.

Jordan ayaa finaalka kusii sugeysa Qatar iyo Iran midkood kuwaas oo berri wada ciyaari doona.

Koobka kubadda cagta ee Qaramada Asia waa markii seddexaad ee lagu qabto dalka Qatar, kadib markii ay marti gelisay sannadihii 1988-kii iyo 2011-kii, waxa ayna kusoo beegantaahy sannad kadib markii ay marti gelisay koobkii adduunka ee 2022.

Kulamada kala duwan ee koobka Asia ayaa lagu ciyaaray 9 garoon oo intooda badan lagu ciyaaray koobkii adduunka ee lasoo dhaafay.

Guddiga qabanqaabada tartanka ayaa ku dhawaaqay in dhaqaalaha ka soo xarooda tigidhada ciyaaraha loo qoondeyn doono in lagu taageero dadaallada gargaarka ee dadka reer Falastiin, kuwaas oo ay soo food saartay dhibaato bini’aadantinimo oo ay sabab u tahay weerarada ay Israa’iil ku hayso Marinka Gaza.

Tartankan ayaa hore loo qorsheeyay in lagu qabto dalka Shiinaha 2023-ka, balse Beijing ayaa ka cudur daartay martigelintiisa sababo la xiriira daruufaha ka dhashay fayraska Corona, sidaas darteed Xiriirka Kubadda Cagta Asia ayaa go’aansaday in loo wareejiyo dalka Qatar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here