Algiers, Algeria — Wafdi ka socda Dowladda Jabuuti, oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Miisaaniyadda, ayaa si rasmi ah uga qaybgalay shirweynaha sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo ka socda magaalada Algiers ee dalka Algeria.
Shirka sanadkan oo socon doona ilaa 22-ka May 2025, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa tiknoolajiyada iyo maaliyadda Islaamka, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay horumarinta ganacsiga online-ka ah iyo kor u qaadida iskaashiga dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah Bangiga Horumarinta Islaamka.
Masuuliyiin ka kala socday dalalka xubnaha ka ah bangiga ayaa shirkan ka qaybgalay, iyaga oo ka wada hadlay qorshayaasha iyo fursadaha cusub ee horumarineed, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa adeegyada maaliyadeed ee waafaqsan shareecada Islaamka.
Bangiga Horumarinta Islaamka iyo Jabuuti waxay leeyihiin xiriir iskaashi oo dhaqaale iyo horumarineed oo muddo dheer soo jiray, iyadoo bangigu uu taageero ballaaran siinayo Jabuuti mashaariic horumarineed oo lagu yareynayo saboolnimada, laguna horumarinayo adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Jabuuti maadaama uu fursad u yahay in lagu xoojiyo iskaashiga dhaqaale iyo horumarka, isla markaana laga qeybqaato doodo iyo qorsheyaal lagu hormarinayo adeegyada maaliyadda Islaamka iyo tiknoolajiyada casriga ah.