Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Hargaysa
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex maalin ah.
Garas Magan
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa 20-kii bishan May 2025 howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Garas Magan, oo ku yaalla inta u dhaxeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyagoo sheegay in ay beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Dawo
Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah uga bilaawday ololaha tallaalka xoolaha degmooyinka gobolka Dawo, gaar ahaan ariga, si looga hortago cudurrada halista ah ee ku dhaca xoolaha xilliyada roobka iyo cudurrada sambabada.
Algeria
Wafdi ka socda Dowladda Jabuuti, oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Miisaaniyadda, ayaa si rasmi ah uga qaybgalay shirweynaha sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo ka socda magaalada Algiers ee dalka Algeria.
Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah Madaxtooyada kula yeeshay Danjire-ku-xigeenka Dowladda Finland u qaabilsan Soomaaliya, Ms. Nelli Mikkola.