Muqdisho, Soomaaliya – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee Soomaaliya (NISA) ayaa soo dhaweeysay go’aanka Golaha Wasiirrada Sacuudiga ee ansixinta heshiiska iskaashiga ee la xiriira la dagaallanka argagixisada sida ay sheegtay. Heshiiskan, oo lagu kala saxiixday Jeddah bishii Febraayo 2025, ayaa ka dhaxeeya NISA iyo Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ee Boqortooyada Sacuudiga.
War-saxaafadeedka ay soo saartay NISA 21 May 2025, ayaa la sheegay in heshiiskaan uu diiradda saarayo ka hortagga kooxaha Soomalaiya ka dagallama iyo ka hortagga maalgelintooda, iyadoo loo arko tallaabo muhiim u ah la dagalaanka kooxahaan.
“Heshiiskan ay meelmariyeen golaha Wasiirada Sacuudiga waxa uu laf-dhabar u noqon doonaa dagaalka aan kula jirno Khawaarita iyo ka hortagga dambiyada ka dhasha maalgelinta argagixisada”ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka NISA.
NISA ayaa sidoo kale xaqiijisay inay diyaar u yihiin in ay xaqiijiyaan guusha heshiiskan, iyagoo ka shaqeynaya in ay sare u qaadaan iskaashiga caalamiga ah si loo helo mustaqbal ammaan ah oo Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed u ah.