MUQDISHO, Soomaaliya –Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu waaweyn ee mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay kulan siyaasadeed oo heer sare ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan Mowlaca Macallin Nuur ee degmada Hodan, oo ah xarunta Xisbiga Samadoon.
Kulanka ayaa waxaa marti geliyey hoggaamiyaha dariiqada Sufi Cabdulqadir Macallin Nuur, ahna guddoomiyaha Xisbiga Samadoon. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ahna Xildhibana Golaha Shacabka Baarlamanaka Jamuuriyadda Federalaka Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Guddoomiyaha Xisbiga Samadoon, Cabdulqadir Macallin Nuur, ayaa ku baaqay in laga gudbo khilaafyada siyaasadeed ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda, lana mideeyo dadaallada lagu wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Marka cadow lala dagaallamayo maalkada, xiskaada iyo muruqaada ayaa la kulmiyaa in ay dowladda federaalka samaysay wey wanaagsantahay in badan oo ka dhimmana dadkii la smayn lahaa meeshaan ayey fadhiyaan”ayuu yiri
Waxyaabaha tuhunka ugu badan laga qabo ayaa ah arrimaha doorashada. Ururka Samadoon ayaa dood ka qabta qaabka ay doorashooyinka u noqon karaan mid hufan, iyada oo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo hogaanka dowladda dhexe ay ku dhawaaqeen hal urur ay ku mideysan yihiin.
Xisbiga Samadoon ayaa ka mid ah ururada ilaa hadda iska diiwaan geliyay doorashooyinka soo socda ee uu ku dhawaaqay Gudiga Doorashooyinka Qaranka. Si kastaba ha ahaatee, maanta shirka uu ururka soo qabanqaabiyay waxaa ka soo qeyb galay ururo aan ilaa hadda isdiiwaan gelin, kuwaas oo aad u diidan hanaanka ay dowladda arimaha doorashooyinka ku maamuleyso, sida Himilo Qaran iyo Wadajir.
“In leysku yimaado oo laga wada hadlo dalku waa la wada leeyahay, haddii dhibaato dhacdana, kan riday iyo kee ku dhacayba labada saameyn bay ku leeyihiin. Midna qurux ka dheefi mayo, dalkuna dan uguma jirto. Marka anaga Samadoon, waxa aan u taaganahay labada garabba waan u furannahay, dowladdana wada-hadal ugu baaqno si la mid ah mucaaradka.”, Ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga .
Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xisbiga Samadoon, Yaasiin Cabdi Jaamac ayaa sheegay in kulamadan noocaan ah ay noqon doonaan kuwa joogto ah, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la isku yimaado oo laga wada hadlo, maadaama dalku yahay mid la wada leeyahay.
Waa kulanki ugu horeeyay ee ay isku yimaadaan xubno mucaarad ah oo tan iyo doorashii madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee 2022-ka kadib.