Saturday, July 27, 2024

Xasan: Ma cabo sigaarka iyo qamriga. Waxaan ahay oday caafimaad qaba

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo waerysi siiyay Arab News, ayaa ka sheekeeyay xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ka dhaxeeya iyo sida ay Boqortooyadu uga qeyb qaadatay dowlad dhiska Soomaaliya iyo wax ka qabashada arrimaha bini aadantinimada.

Xasan Sheekh ayaa wareysigaan bixiyay, isaga oo magaalada Riyaad ee Sacuudiga uga qeyb gelaya laba shir oo kala ahaa Madasha Iskaashiag Sacuudiga iyo Afrika iyo Shir gaar ah oo looga hadlayay dagaalka Bariga Dhexe ka socda.

Wareysiga waxaa loo kala qaadi karaa laba qeybood oo kala ah:

Xiisadda ka taagan Bariga Dhexe iyo aragtida Soomaaliya ee lagu xallin karo iyo

Ka warixinta xaaladda Soomaaliya ee dhinaca amniga iyo maalgashiga.

Dhinaca amaniga waxa uu sheegay in dowladdiisu dagaal seddex geesood ah ( dhanka dagaalka, maaliyadda iyo fikirka) ku qaaday kooxda Al-shabaab, isaga oo tilmaamay in guulo laga gaaray in kasta oo ay jiraan caqabado badan.

Dowladda Sacuudiga ayuu ku amaanay kaalinta ay ka qaadato la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, isaga oo yiri, Sacuudiga loogama ogaal badna la dagaalanka argagixisada.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan waxa uu suuq geeyay in ay Soomaaliya diyaar u tahay in la maalgashado, isaga oo tooshka ku ifiyay dhinacayda la maalgashan karo.

Waxyaabihi uu sheegay waxaa ka mid ah :

“Soomaaliya waa dhul ugub ah, dhinac walba fursad ayaa ka jirta. Dhaqaalaha Buluugga fursad ayaa ka jirta. Maalgashiga cuntada fursad ayaa ka jirta. Macdinta qani ayaan ka nahay, sida Dahabka, Uranium, copper, cobalt, waxaana laga helaa Soomaaliya macaadinta naadirka ah”.

“Soomaaliya waxay leedahay ku dhawaad 9 milyan oo hektar oo dhul beereed ah, laba webi oo aan go’in iyo xilli roobaad ku filan”.

“Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu xoolaha badan dunida. Meelaha la maalgashan karo Soomaaliya, xad ma lahan”.

“Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta ugu dheer, afrika, dadkeedu waxa ay u badanyihiin dhallinyaro, mana laga faa’iideysan kheyraadkeeda dabiiciga ah. Waxa ay gobolka u noqon kartaa xarunta ugu weyn ee la maalgashado”.

Dhanka caafimaadkiisa iyo qaab nololeedkiisa ayuu Xasan ka hadlay, maadaama uu Sacuudiga tegay isaga oo garab shakaalaan, waxa uuna yiri.

“Dabcan, ma ihi qof dhallinyaro ah, laakiin Alxamdulilaah, waan caafimaad qabaa. Ma cabo Sigaarka iyo Qamriga, mana dhafro. Waxaan qabtaa shaqo igu filan. Kaliya maskaxda kama shaqeeyo ee sidoo kale waxaan sameeya jimicsi, waana caafimaad qabaa”

“Waxaan ahay qof kasoo shaqeeyay waxbarashada, bini’aadantinimada iyo u adeegidda bulshada, welina waxaan u adeega bulshada. Waxa iga farxiya ee nafteyda raali geliya, waa caawinta bini aadamka. Nolosheyda oo idil waxaan u huray u adeegidda Soomaaliya”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here