Sunday, July 20, 2025

Jabuuti iyo Qatar oo Xoojinaya Xiriirka Milliteri ee Labada Dal.

Doha, 21 Maajo 2025 (ADI) – Taliyaha Guud ee Ilaalada Jamhuuriyadda Jabuuti, Mohamed Djama Doualeh, ayaa si xushmad leh loogu soo dhaweeyay magaalada Doha, halkaas oo uu kulamo muhiim ah la yeeshay Hazza Bin Khalil Al Chhawani, Taliyaha Amiri Guard ee Qatar. Kulankan ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka milliteri ee labada dal, isagoo ku saabsan wadashaqeyn iyo is-afgarad istiraatiiji ah oo la xiriira tababarada, awood-dhiska, iyo hababka amni ee wadajir.

Doualeh, oo ay wehliyaan wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Dayib Doubad Robleh, Safiirka Jabuuti ee Doha, ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo tababarka milliteriga. Isfahamka labada dhinac ayaa diiradda saaray sidii loo horumarin lahaa tababarada khaaska ah iyo sidii loo wadaagi lahaa khibradaha amniga ee labada dal.

Kulankan wuxuu muujinayaa go’aankeena xooggan ee ah inaan dhisno iskaashi waara oo ka jawaabaya caqabadaha amni ee hadda taagan,” ayuu yiri Doualeh.

Wafdiga Jabuuti ayaa booqday Xarunta Hawlgalada Amiri Guard, oo ah xarun farsamo iyo hawlgallada amniga ee Qatar, halkaas oo ay ka daawadeen tababarada iyo qaabdhismeedka unuggan gaarka ah. Booqashadan waxay xoojineysaa xiriirka milliteri ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo wada-shaqeynta, is-dhaafsiga khibradaha iyo tababarada, iyo taageerada dhinacyada amniga.

Kulankan ayaa lagu soo gabagabeeyay is-dhaafsi hibooyin iyo casho rasmi ah oo lagu qabtay Doha Diplomatic Club, taasoo muujinaysa xiriir wanaagsan iyo iskaashi qoto dheer oo u dhexeeya Jabuuti iyo Qatar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here