Thursday, November 14, 2024

Qishku goormuu xalaal noqday?

Muqdisho (Dawan)- W/Q: Cabdirisaaq Cabdriaxmaan Cabdullaahi (Ookiyaale).

Bishii Maay ee sanadkii 2019, wasaaradda waxbarashadu ee federaalku waxay laashay imtixaankii dugsiga sare oo meel dhexe marayay ka dib markii internetka lagu baahiyay nuqullo ka mid eh imtixaanka, go’aankaasina wuxuu ka carraysiiyay ardaydii imtixaanka galaysay iyo maamul-goboleeyada qaar sida Hirshabeelle oo waagaas ku hanjabtay inay iskeed u qaadan doonto imtixaankeeda.[1]

Dhacdadaasi maaha markii ugu horreysay oo la soo dusiyo qishka imtixaanka dugsiga sare, sidoo kale kuma ekeyn sanadkaas oo wixii ka danbeeyay sanadkaasi waxaaba la dhihi karaa si joogto eh baa loo soo dusinayay imtixaanka dugsiga sare.

Qishku micna ahaan waa imtixaanka oo si tuuganimo looga shaqeeyo, se micnaha ay u dajiyeen bahda waxbarashada waa ka balaaran yahay, waxaana soo hoosgalaya khiyaano kasto uu ardaygu sameeyo si uu ugudbo ama buundo dheeri eh ku helo, tusaale: jawaabaha imtixaanka ama layliga oo si sharcidarro eh u helo, imtixaanka oo looga shaqeeyo, ardayga oo sheegta xog uusan lahayn (plagiarism), buundada imtixaanka ama shahaadad uu gato, buuga qalinjabinta oo loo qoro iyo wixii la hal maala.

Ayaandarrada waxay tahay in dhamaan noocyadaas qishka ee kala duwan inay ka jiraan dalkeena, waliba qishku wuxuu tartiib-tartiib u noqday dhaqan bulsho oo laga sarriigeyn; kuma hakan ardayda, wuxuu gaaray heer waalidiintu iyo macalimiintu ka wada shaqeeyaan siduu ardaygu qish u heli lahaa!

Imtixaankii dowladda federaalka ee sanadkaan waxa la soo wariyay waalidiin iyo maammulayaal lacag bixiyay si ardaydooda u qishaan; iyagoo laaluushaya waardiyaasha xarumaha imtixaanka si ay ugu ogalaadaan ardayda in moobil la galaan goobaha imtixaanka. Waxaa arrintaasi xoojiyay muuqaallo internetka lagu soo baahiyay oo muujinaya arday qishaysa oo haddana moobilka iska duubaya sida inay ku faanayaan oo ay carinayaan bulshada; yaa wax naga qaadi karo camal!!!

Qishku kuma shaacsano Koonfurta Soomaaliya oo kaliya, waxaa sidoo kale uu fara ba’an ku hayaa iskoolaadka maamulka Soomaliland, warbixin qishka Soomaaliland ka hadleysay baa lugu xusuy in macalimiintu badanaa aysan u gudbin ardayda qishka lugu qabto maamulka iskoolka, waxaana taasi lagu sababeeyay macalimiinta oo ka baqa dagaalka ardayda iyo sidoo kale rabitaan eh bogaadin hela oo ardaydiina ha baasaan.[2]

Soomaaliya waxay waaydaan danbe ku suntanayd dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida, sanadkii hore 2023 waxay Soomaaliya keentay warbixnta hufnaant 11 dhibcood oo buundada sixiddu tahay 100 dhibicood, taasoo Soomaaliya ka dhigaysa waddanka ugu musuqmaasuqa badan liiska 180 dal oo daraasadda lagu sameeyay.[3]

Waxaan aaminsanahay qishku inuu yahay nooc ugu saameenta daran musuqmaasuqa; sababtuna wuxuu abuuraa arday tayo liidata oo dabooli karin baahidii bulshada, sidoo kale wuxuu ardayga baraa noocyada kale ee musuqmaasuqa ee jira sida laaluushka, xatooyada xoolaha dadweynaha, canshuur xeeladeysi, been-abuuridda iwm.

Burburkii ka dib waxaa Soomaaliya caado ka noqotay sameysiga dokumentiyo beenabuurka eh sida baasaboorka, shahaado dhalasho iyo mid waxbarasho. Ammin aan sii fogeyn waxa suuqa Bakaare gaar ahaan Cabdalla-shideey lugu gadi jiray nooc wal oo dokumenti eh oo uu qofi u baahdo. Waxaan soo xasuustay sheekooyin laga sheego ardaydii Soomaali ee deeqaha waxbarashada ka helay waddamada deriska ee watay shahaado Cabdalla-shideeyo oo dhibcaha ku qorani yihiin 100 iyo 99 oo la kulmay jeesjeesid, laguna dhahay: “ugu yaraan natiijo caqligal eh maad soo qorotaan.. haddaaba 100 dhibcood keeni kartaan maaddo walba maxaad wax u baranaysaan?!.. imtixaanka dugsigeena sare haddaad fariistaan, eber xitaa keenimaysid ee sidaa ma u ogtihiin!!!”

Soomaalidu iyo qishku waxaaba la moodaa qof iyo harkii oo kala harayn; qishku xitaa waxa uu ka jiray oo walinaa ka jiraa dowalad deegaanka Soomaalida Itoobiya sida uu sheegay Madaxweyne Mustaf oo wareysi siinaay Cabdisalaan Hereri[4], isagoo ka jawaabay su’aal ku saabsanayd sababta ardayda deegaanka ee ka gudba imtixaanka dugsiga sare uga yaryihiin 3%, wuxuu yiri:

“.. waxbarashada tayadeed way xumaatay lama dhihi karo haddii qishkii la xakameeyay.. meelaanu ardaygu dhaceenin, meel macalimuunti iyo waalidiintu ka wada shaqaynayaan inuu ardaygu qish ku baaso ayaan ugu nimid dalka”

Runtii waxaan aaminsanahay in nidaamka waxbarashada la’adkeeyo oo marnaba qish la ogalaan haddana ardayda dhacaya waa inay ka hooseyn 60%, haddii ay dhacdana waxaan qabaa in la baasiyo ardayda kuwooda dhibcaha yar ku dhacay. Xaaladda waxbarashada Itoobiya ee 96.8% ardaydu dhaceen waa musiibo xargahagoosatay; sanadkii hadda tagay 2022/2023 waxa kaliya ee ka baasay imtixaanka dugsiyada sare 27,267 arday, wadartuna tahay 845,099 arday taasoo u dhiganta (3.2%), halka nasiib-xumo nisbadu ka sii yareed gobolka Soomaalida.[5]

Laga yaabaa Soomaali badan inay ogolaan lahaayeen qishka badalka arday intaas la’eg intay dhici lahaayeen, laakin waxaa jira oo aysan ogeyn qaacidooyin xisaabeed oo la ogolyahay oo arday badan lagu baasin karo iyagoo loo kala eexan! (waxaa jira qaacido xisaabeed loo adeegsado marka la rabo in la baasiyo ardayda ku dhacday maaddo ee u dhaxeeya buundooyinka 25-49, dhamaadka qormada ka daalaco).

Docda kale, Imtixaanaadka dugsiga sare (fasalka 12-aad) ee qaaddo dawladda federaalka waxaa dhaca tiro yar marka lala barbar dhigo Itoobiya, tusaale sanadkii 2021/2023 waxaa dhacay 1143 arday (u dhiganta 3.4%) waxaana u fariistay imtixaanka 33468 arday[6], halka sanadkii 2019/2020 dhaceen 8550 arday (25.3%), halka sanadkii 2018/2019 dhaceen 6,935 arday (23.5%).[7]

Sidoo kale waxaa la mid eh Puntlanad iyo Soomaaliland oo iskeed u qaada imtixaanka dugsiga sare, sanadkii 2022/2023 waxaa imtixaanka Puntland dhacay 151 arday (u dhiganta 2%),[8] halka isla sanadkaas Soomaliland ka dhaceen 357 arday (u dhiganta 2.5%).[9]

Haddii aan dib ugu soo noqonno mowduuceenii qishka, bulshadeenii waxay marayaan heer la colloobaan qofka u istaaga tayaynta waxbarashada ama inay ku maadeystaan dadkii la dagaalamaay aafadaas markay turaanturoodaan sida ku dhacday Goodax Barre oo ka mid eh wasiiradii soomaray uguna magaca dheeraa sanadadaan danbe wasaaradda waxbarashada, masuulna ka ahaa go’aankii lagu laalay imtixaankii 2019kii, Goodax waa lagu maadeystay sanadkii 2022 markii uu ku guuldaraystay inuu xajisto kursigii xildhibaan ee uu u tartamay. Dhalinyaro badan baa ku soo qoray barahabulshada qoraal jeesjees eh sida in cuqabadii ardayda ka soo baxday iyo wax la hal maala.

Qishku kuma hakan iskoolaadka oo kaliya ee wuxuu u gudbay xitaa waxbarashadii sare, nasiib xumo Soomaaliya wax ka buuxo jaamacado tayoliita (ka badan tirade jaamacadaha Kiinya & Itoobiya) gaar ahaan Muqdisho oo ujeedda kaliya ee loo furay tahay macaash; xitaa waxa jira hadal suuqeed dhaho “Jaamcaduhu ma ridaan ardayda; Jaamacaduhu lacag lee rabaan; Jaamacadu waa bakhaaro camal…” halka jaamacadaha qaar lagu xanto inay gadaan shahaadada!

Waxaa kale oo xusid mudan, ardayda jaamacadaha ee ku jira sanadka ugu danbeeya waxaa caado ka noqotay in loo soo diyaariyo buugga qalijabinta, waxaaba bilaabmay ganacsi la xiriir qoridda buugga qalinjabinta oo si gabasho lahayn loogu xayaysiiyo baraha bulshada, halka ardayda qaar kale magaca kaliya ka badalaan buug jaamacad kale laga gudbiyay kol hore, waxaana taas u fududeenaya dalkeena oo lahayn server kaydiyo xogta cilmibaarista ardayda, si looga ilaaliyo xatooyo iyo wixii la mid eh.

Luulyo 2018, waxaa xilka wasiirnimada ku waayay saacado ka dib hadal uu ka yiri tayada jaamacadaha Soomaaliya, wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo ahaa wasiirka waxbarashada ee dowladda federaalka, hadalka wasiirku wuxuu ahaa: “Anaga ma jirto jaamacad aan aqoonsanahay, waxbarashada ay bixiso iyo qaabka ay u dhisantahay jaamacad aan dhihi karno waan aqoonsanahay ma jirto, sababtoo ah , waan qiyaasaynaa in ay jiraan jaamacaad badan oo shuruudaha soo buuxin kara, laakiin weli maanaan isu imaanin, maanan samaysanin jaangooyadaas, tayada waxbarashada. Markaan samaysano ayaan oran karnaa tana waan aqoonsanay, tana ma aqoonsanin, oo aan dhihi karno shuruudaha koow illaa afar waa soo buuxisay, xitaa jaamacadda ummada oo ka mid ah jaamacadaha dalka[10]

Durbaba hadalkii wasiirkii waxaa ka falceliyay kooxo diidan isbadal ama in nidaamin lugu sameeyo waxbarashada jaamacadaha, xukuumaddii waagaas joogtay iyaduna waxay ka doorbidday tayada waxbarashada danaha kooxahaas. Xilkaqaadistii wasiirka waxay caddayn buuxda u tahay in bulshadu iyo xukuumadduba muhimmad u lahayn tayada waxbarashada.

Nasiibxumo, xukuumaddii, maammulayaashii, macalimiintii iyo waalidiintiiba waxay ka doorbideen tayadii waxbarashada, dano kale, ee su’aashu waxay tahay ardayga maanta qish uga baxa iskoolka oo berina Jaamacad tayo liidata ka soo qalinjabiya sidee loogu filan karaa inuu noqdo dhaqtar, Injineer, Xisaabiye, Macalin ama Maamule tayo leh oo daacad u eh bulshadiisa?!

Gunaanad, aafo markay xarkogoosato oo shaacsane noqoto waxaa kaliye ee lugu dabri karo waa in la abuuro xeerar lid ku ah oo dul dhigaya ciqaab qof wal oo ka qaybqaadanaya, sidaa awgeed waxaan soojeedinaa in la hindiso sharci dib u nidaaminaya waxbarashada diiraddana saaraya tayaynta waxbarashada iyo ciribtirka qishka. Hadii kahortag la semeyn waayo, qishku iyo tayoxumada waxbarashadu waxay noqon doonaan astaan bulsho, oo Soomaalidu leedahay kagana soocantahay bulshooyinka dunida!!

Dhamaad.

Lifaaq:

Waxa jira qaacidooyin ay adeegsan karaan guddiyada imtixaanaadka haddii ay rabaan inay yareeyaan tirade arday dhacaysa. Tusaale, natiijada ardayda qaar ee maaddada xisaabta hadday sidaan tahay 45, 25, 81, 100 waxa la gudbin karaa wixii ka sareeyo 25 buundo, iyadoo la dulminayn ardayda baastay; natiijada ardayda oo dhan baa si siman loo marsiinayaa qaacido xisaabeed.

Qaacidadu waxay tahay; natiijada ardayga oo xidid la galiyay baa lugu dhufanaa tirade Toban: (√natiijada ardayga)*(10)

(√45)*(10) = (6.7)*(10) =67

(√25)*(10) = (5)*(10) = 50

 (√81)*(10) = (9)*(10) = 90

Waxa laga yaabaa inaad iswaydiisid ardayga keena dhibicda ugu sareysa oo ah boqolka wixii u kordhi lahaa?! Jawaabtu waxay tahay halkiisuu taagnaanaa oo wax u kordhaayo maleh.

(√100)*(10) = (10)*(10) = 100.

Qaacidaan waxa lagu badbaadin karaa ardayda dhacday maadda ee ka sarreysa 25.


[1] Hiiraan Online. (2019). Somali government’s response to school exams cheating scandal causes controversy among regional states.

[2] Somalilnad Sun. (2015). Somaliland: Consequences of Cheating in National Examinations and Preventive Measures. (ttps://somalilandsun.com/somaliland-consequences-of-cheating-in-national-examinations-and-preventive-measures/).

[3] Transparency International. (2024). Corruption Perceptions Index. (https://www.transparency.org/en/cpi/2023/index/som).

[4] YouTube. (2024). Madaxwayne Mustafe oo waraysi dheer kaga Hadley xaalada deegaanka Somalida iyo guud ahaanba Ethiopi. (https://www.youtube.com/watch?v=SQzMB2656lI).

[5] African News. (2023). Ethiopia: only 3% of high school students pass university entrance exams. (https://www.africanews.com/2023/10/10/ethiopia-only-3-of-high-school-students-pass-university-entrance-exams//).

[6] Keyd Media. (2022). Natiijada Imtaxaanka fasalka 12aad oo la shaaciyay. (https://www.keydmedia.net/so/news/natiijada-imtaxaanka-fasalka-12aad-oo-la-shaaciyay).

[7] Mustaqbal Media. (2024). Imtaxaanka shahaadiga ee fasalka 12aad oo sanadkaan galay sanadkiisa 10aad. (https://mustaqbalmedia.net/so/imtaxaanka-shahaadiga-ee-fasalka-12aad-oo-sanadkaan-galay-sanadkiisa-10aad/).

[8] Horseed Media. (2023). Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Puntland Fasalka Afaraad 2022/2023 oo la shaaciyey. (https://horseedmedia.net/natiijada-imtixaanka-dugsiyada-sare-ee-puntland-fasalka-afaraad-2022-2023-oo-la-shaaciyey-382311).

[9] Wargeyska Dawan. (2023). Dugsiyada ugu Sareeyay Natiijada Imtixaankii Shahaadiga ee JSL. (https://wargeyskadawan.com/2023/09/16/dugsiyada-ugu-sareeyay-natiijada-imtixaankii-shahaadiga-ee-jsl/).

[10] BBC Somalia. (2018). Waa sidee tayada jaamacadaha Soomaaliya? (https://www.bbc.com/somali/war-44979467).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here