Sunday, May 25, 2025

DDS oo Dardargelinaysa Dhirbeerista Cagaaran

Jigjiga, Itoobiya – Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa ku howlan hirgelinta barnaamijka ballaaran ee dhirbeerista ee lagu magacaabo “Dhaxalreebka Cagaaran”, kaasi oo sanadkan 2017-ka tirsiga Itoobiya  lagu qorsheeyay in deegaanka laga beero 14 milyan oo geed.

Mas’uuliyiinta Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS ayaa 25 May 2025 kormeeray xarunta dalxiiska Shabeelley – mid ka mid ah meelaha si guul leh looga hirgeliyay wajigii koowaad ee barnaamijka, halkaas oo lagu beero 150,000 oo geed. Wasiirka Xafiiska, Muxyadiin Cabdi, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid weyn oo wax ka qabanaya arrimo badan oo deegaanka iyo horumarinta miyiga ah.

“Mashruucani waa mid aad u baaxad weyn, dhinacyo badan taabanaya, waana mid muhiimad gaar ah noo leh anaga oo ka xafiis iyo deegaanna ah. Waxaan si xooggan uga qeybqaadanay wajiga cagaarinta deegaanka,” ayuu yiri Muxyadiin.

Wajiga labaad ee mashruuca dhirbeerista ayaa isna diyaar garowgiisu socdaa, iyadoo la qorsheynayo in xarunta Shabeelley lagu beero 120,000 oo geed kale oo noocyo kala duwan leh, si loo sii xoojiyo dadaallada la-dagaalanka nabaad guurka iyo horumarinta deegaanka.

Mashruucan ayaa ah mid ka mid ah qorshayaasha waaweyn ee deegaanka lagu badbaadinayo, laguna dhiirrigelinayo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo kor u qaadista muuqaalka cagaaran ee DDS.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here