Wednesday, May 28, 2025

SODMA oo Beenisay Daawooyinkii Lagu Soo Bandhigay Moqokori

Moqokori, Hirshabeelle — Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa si rasmi ah u beenisay in daawooyinka dhawaan lagu soo bandhigay degmada Moqokori ay iyadu keentay.

Gargaarka, oo maamulka Gobolka Hiiraan soo badhigay 25 may 2025 ayaa maamulka Hirshabeelle ku sheegay inuu ka koobnaa agab aan dabooli karin baahiyaha ba’an ee gobolka isla markaana aysan ka filanayn hay’adda SoDMA.

Hay’addu waxay sheegtay in daawooyinka dhawaan la soo bandhigay aysan ahayn kuwa ay iyadu keentay, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn dadaalka gargaarka ee SoDMA.

“Waxaan halkan ku caddeyneynaa, anigoo ku hadlaya magaca Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, in daawooyinka aan geynnay iyo daawooyinka kale ee baraha bulshada laga arko aysan wax xiriir ah iyo shaqo wadaag ah la lahayn,” ayuu yiri Cabdullahi Muuse Axmed (Fanax), Agaasimaha Caafimaadka SoDMA.

Fanax ayaa intaas ku daray in mas’uuliyadda arrintaas ay qaadayaan dadka soo bandhigay oo si khaldan ugu eedeeyay hay’adda waxaas been abuurka ah.

Waaxda Caafimaadka ee SoDMA ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaarisay shixnad daawooyin degdeg ah oo tiro badan, hase yeeshee, xaddidaadda awoodda qaadista diyaaradaha ay sababtay in hal tan oo daawo ah keliya la geeyo.

Hay’adda ayaa sidoo kale soo bandhigtay liiska daawooyinka SoDMA ay gaarsiisay Moqokori, iyadoo caddeysay in daawooyinka qaar ee dadweynaha la tusay aysan xiriir la lahayn hay’adda.

Agabkan lagu soo bandhigay degmada Moqokori ayaa waxaa ka mid ahaa daawooyin lagula tacaalo cudurrada faafa, kabaha ilaalinta darawallada mootooyinka, labo kartoon oo faleembooyin ah, hal kartoon kaniini ah, iyo kartoon sharoobo ah oo muddo laba bilood ka hadhsan yahay inuu dhaco.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here