Saturday, July 27, 2024

Geelle oo la kulmay hoggaamiyaha RSF ka hor wada hadallada dhinacyada Suudaan

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee Axaddii qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ciidamada Taageerada Deg-degga ah (RSF), Maxamed Xamdaan Daglo, kaas oo booqasho ku maraya maalmahaan dalalka Geeska Afrika.

Kulanka Geelle iyo Daglo ayaa kusoo beegmaya iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda ay Jabuuti marti geliso wada xaajood dhax mara dhinacyada Suudaan.

“Booqashada Jeneraal Maxamed Xamdaan Daglo ee Jabuuti waxay la xiriirtaa dadaallada dhexdhexaadinta ee Madaxweyne Geelle, oo hadda ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, si xal looga gaaro colaadda ka jirta Suudaan” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jabuuti.

Madaxweyne Geelle iyo Xamdaan ayaa intii uu kulankooda socday waxa ay ka wadahadleen xaaladda dalka Suudaan, waxayna isla soo qaadeen sidii xal waara looga gaari lahaa colaadaha u dhaxeeya labada ciidan ee isku haya dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhawaan sheegay in dalkiisu marti gelin doono kulan u dhaxeeya dhinacyada Suudaan si looga wada hadlo joojinta colaadda iyo xallinta khilaafadka taagan ee sababay dagaalka ay ku naf waayeen kumanaanka qof.

Wasiirka ayaa wada hadallada ku tilmaamay kuwa muhiim ah oo go’aan looga gaarayo colaadda Suudaan ee daba dheeraatay, basle ma sii faahfaahin.

Arbacadii Lasoo dhaafay. Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku wargelisay in dib loo dhigay kulankii Madaxweynaha Golaha Qaranimada Suudaan, Cabdifataax Al-Burhan, uu la yeelan lahaa Taliyaha Ciidamada Taageerada Deg-degga ah, Maxamed Xamdaan Daglo ilaa bisha Janaayo.

Dowladda Jabuuti ayaa ku mashquulsaneed isbuucii lasoo dhaafay wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, taas oo laga yaabo in ay baajisay kulankii Suudaanta ee lagu ballansanaa Khamiistii lasoo dhaafay.

Tan iyo bartamihii bishii April 2023, ciidamada Suudaan iyo xoogaga taageerada deg-dega ah waxay galeen dagaal ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof iyada oo ay ku barakaceen in ka badan 6 milyan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in in ka badan 6.3 milyan oo Suudaan ah ay ka qaxeen guryahoodii, iyaga oo ka cararaya dagaalka u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda tan iyo bartamihii bishii Abriil.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu xusay in dagaallada socda ay si ba’an u saameeyaan dadka rayidka ah, iyada oo la soo warinayo xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida barakicin qasab ah iyo dilal.

Warbixintu waxa ay xustay in 4,955,538 qof ay ku barakaceen 5,312 goobood oo ku yaal dhammaan Gobollada dalka Suudaan.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sidoo kale tilmaamtay tan iyo markii uu dagaalku dillaacay in 1,373,223 qof ay u qaxeen dalalka deriska ah, ee kala ah Chad, Koonfurta Suudaan, iyo Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here