Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa gelintii dambe ee 26-kii May 2025 gaaray magaalada Nairobi, Caasimadda dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Nairobi waxaa ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Khayraadka Badda ee dalka Kenya, Hassal Ali Joho.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland, inta uu joogo magaalada Nairobi, Madaxweynaha ayaa wada-hadallo la yeelanaya dowladda Kenya, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto, kuwaasoo looga hadlayo iskaashiga labada dhinac.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmi doona hay’adaha iyo safaaradaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay dalka Kenya, si looga wada hadlo arrimaha dhaqaalaha, amniga, istiraatiijiyadda, iyo diblomaasiyadda guud.
Madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in Cirro uu xarig jari doono dhismo cusub oo ay Somaliland ku yeelaneyso Kenya, kaasoo ay sheegeen in uu noqon doono safaaradda Somaliland ee magaalada Nairobi.
“Madaxweynaha Somaliland muddada uu ku sugan yahay magaalada Nairobi, waxa uu xariga ka jari doonaa dhismo cusub oo casri ah oo ay yeelan doonto Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Somaliland. Safarka Madaxweyne Cirro ee Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli Kenya ay sheegtay in sii wadayso wada shaqaynta ay la leedahay Jubaland iyo Somaliland, iyadoo kala tashaneyso dowladda Soomaaliya, si loo dhiso xiriir iyo joogitaan diblomaasiyadeed