Friday, July 19, 2024

Maxaad kala socotaa xiriirka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika?

Seoul (Dawan)- Magaalada Seoul ee caasimadda Kuuriyada Koonfureed waxay marti gelineya maalmaha 4-ta iyo 5-ta bishan June, Shir-madaxeedki ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika iyada oo ujeedadu tahay kor u qaadista iskaashiga iyo isdhexgalka qaaradda Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed.

Ku dhawaad 48 mas’uul oo ka socda dalalka Afrika ayaa lagu wadaa in ay kasoo qayb galaan shirka, waxaana ka mid ah madaxdaas Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

Sida uu sheegay Af-hayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale, shirka waxaa lagu eegi doona sidii labada dhinac ay iskaashi uga yeelan lahaayen dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, hormarinta ganacsiga, kobcinta dhinacyada farsamada iyo tiknoolijiyadda.

Farxaan waxa uu intaas ku daray in shirka sidoo kale diiradda lagu saari doono dhibaatooyinka dunida soo wajahaya sida saameynta isbedelka cimilada, cunna yarida iyo dhibaatooyinka dhanka caafimaadka iyo tamarta.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka isaga oo ka hadli doona horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameyasay dhinacyada amniga, horumarimta dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, isaga oo kulamo gaar gaar ah la qaadan doona madaxda kasoo qayb geleysa shirka.

Xiriirka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika

Xiriirka tooska ah ee Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed waxa uu soo billaawday xilligii dagaalkii Kuuriya ee 1950-kii, iyada oo qaar ka mid ah dowladaha Afrika ay u fidiyeen taageero ciidan.

Dowladaha Itoobiya iyo Koonfur Afrika waxay u direen Koonfurta Kuuriya ciidamo kala duwan oo ay ku jiraan kuwa cirka, iyada oo Masar iyo Liberia ay bixiyeen taageero saadka iyo dhanka farsamada ah.

Dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee 1990-meeyadii, Kuuriya waxa ay si weyn u xoojisay dhaqdhaqaaqeeeda diblomaasiyadeed ee Afrika, iyada oo billaawday in ay heshiisyo iskaashi la gasho qaar ka mid ah dowladaha Afrika.

Ku biiritaankii Koonfur Kuuriya ee Qaramada Midoobay iyo aas-aaskii wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA) sannadkii 1991-kii ayaa kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika.

Tobankii sano ee ugu horeeyay qarniga 21-aad waxaa hirgalay isku duubnida iyo dadaallada lagu sii xoojinayo iskaashiga qaaradda Africa iyo Koonfurta Kuuriya, waxaana la unkay hay’ado u qaabilsan laba dhinac arrimaha iskaashiga kuwaas oo intooda badan qaabilsanaa dhinaca ganacsiga.

Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed waxaa loo aqoonsaday in ay korjooge ka noqoto Ururka Midowga Afrika markii lagu sameeyay dib u qaabeyn sannadkii 2005, arrintaas oo gogol xaar u noqotay in Ururuka iyo Kuuriyada ay wada yeeshaan wadashaqayn iyo xiriir toos ah.

Sannadkii 2006, iyada oo loo marayo “Hindisaha Horumarinta Afrika,” Kuuriya waxay ku dhawaaqday inay ka go’an tahay inay la wadaagto waayo-aragnimadeeda horumarineed qaaradda Afrika.

Isla sanadkaas, waxaa la qabtay shirweynihii Iskaashiga Dhaqaalaha Kuuriya iyo Afrika (KOAFEC) iyo Madashii Kuuriya iyo Africa (KOAF) kuwaas oo laf dhabar u noqday inuu sii xoogeysto xiriirka iyo iskaashigii ka dhaxeeyay labada dhinac.

Miyey Kuuriya kusoo biirtay dowladaha waaweyn ee isku hardinaya Afrika?

Bishii November 2022, Kuuriyada Koonfureed waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday qorshaha martigelinta Shir Madaxeedka Kuuriya iyo Afrika ee 2024. Tillaabadan waxay ku fasirtay doonisteeda la xiriirta sii ballaarinta iskaashiga kala dhaxeeya qaaradda Afrika.

Cho Tae-yul, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed, ahna Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabadda shir-madaxeedka Kuuriya iyo Afrika, ayaa yiri; ” Markii ugu horreysay tan iyo markii la aa-saasay dowladda Kuuriya, waxaan ku casuunay hoggaamiyayaasha Afrika in ay kasoo qayb galaan shir-madaxeedka Kuuriya iyo Afrika oo aan doonayno inaan uga mira dhalino midnimadeena iyo iskaashigeena si aan mustaqbalka u gaarno barwaaqo iyo horumar waara oo dan noo wada ah”

Balse dhinaca kale, waxaa loo arkay inay Jamhuuriyadda Kuuriya kusoo biirtay loolanka ay dowladaha waaweyn ugu jiraan gacan ku haynta maamulka iyo dhaqaalaha Afrika.

Shirarka nuuucan ah, waxaa hore u qaban jiray dowlado waaweyn sida Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Turkiga, Canada, Japan, Talyananiga iyo India kuwaas oo dhammaantood doonaya in ay ka faa’iideystaan suuqa Afrika iyo khayeraadka dhax buuxa qaaradda oo ay dadkeedu lasoo bixi waayeen, kana baahanyihiin.

Koonfurta Kuuriya loogama baran fikirka ku dhisan gacanta ku haynta maamulka dowladaha kale ama ka qayb qaadashada loolanka siyaadda dunida balse waayadii ugu dambeysay waxay lasoo baxday siyaasad ku dhisan diblomaasiyad daahsoon, waxeyna caalamka gaar ahaan Afrika kusoo fasaxday wax soo saarkeeda ku dhisan dhaqankeeda sida dharka, cuntooyinka iyo aflaamta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here