Wednesday, May 28, 2025

Himilo Qaran oo Guddiga Doorashooyinka Ku Eedeeyay Hanjabaad

Muqdisho, Soomaaliya — Xisbiga Himilo Qaran ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku cambaareynayo isku-dayo uu sheegay in guddiga doorashooyinka uu ku cadaadinayo hay’adaha waxbarashada ee Muqdisho.

Xisbiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray 26 May 2025 ku sheegay in Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka uu jaamacadaha iyo iskuullada ku qasbay inay diiwaan geliyaan ardayda.

Xisbigu wuxuu sheegay in aan muwaadin kasta lagu qasbi karin inuu ka qaybqaato doorasho hal dhinac ah oo aan laheyn ra’yi guud.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu uga digayaa guddiga lagu muransanyahay ee doorashooyinka inuu sii wado cadaadiska ka dhanka ah bahda waxbarashada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xisbigu wuxuu faray guddiga doorashooyinka inuu joojiyo cadaadiska uu ku hayo qaybta waxbarashada, isagoo ugu baaqay hay’adaha waxbarashada inay iska diidaan falalka sharci-darrada ah ee guddigu ku wado.

Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay xoogga saarto dhisidda nidaam doorasho oo heshiis lagu yahay, si looga fogaado hubanti la’aan siyaasadeed iyadoo mudada xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee DFS ay sii dhamaanayo.

Eedeytaan ayaa waxaa ka horeeyey mid la mid ah oo uu Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ku eedeeyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka, inay cadaadis xooggan ku hayaan jaamacadaha magaalada Muqdisho oo si qasab ah loogu diiwaan geliyo ardayda, macalimiinta, iyo shaqaalaha jaamacadaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here