Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Burundi oo dhisaya guddi iskaashi oo joogta ah

Bujumbura (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Burundi ayaa ku heshiiyay in ay dhisaan guddi wada jir ah oo u qaabilsan dhanka iskaashiga, si loo dajiyo qaab dhismeed iskaashi oo dhex mara labada dal

Guddigaan ayaa laga rabaa in ay ka shaqeeyaan iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgelinta, dhisidda karaanka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dalxiiska, gaashaandhigga iyo amniga, wada xaajoodyada siyaasadda, si looga faa’iideeyo labada dal iyo dadka ku nool.

Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee labada dowladood, waxaa la faray inay qabanqaabiyaan kulanka Guddiga Wadajirka ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga labada dal.

Burundi ayaa qeyb ka ah dowladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan nabad iyo xasiloonida, waxeyna sidoo kale madax ka tahay Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo ay Soomaaliya u xusul duubeyso in ay ku biirto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here