Wednesday, May 28, 2025

Himilo Qaran oo kulamo la Yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – Xisbiga Himilo Qaran ayaa shaaca ka qaaday in 26 May 2025 ay kulan miro-dhal ah la yeesheen Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Alper Aktaş.

Qoraal kasoo baxay xisbiga ayuu ku sheegay in kulanka ay kaga wada hadleen xaaladda guud ee dalka, taageerada dowladda Turkiga, muranka doorashooyinka, iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan ee Soomaaliya ka dagaallama.

Kulankan ayaa waxaa Xisbiga kaga  qeyb galay Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga, Yusuf Axmed Gama’did.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale sheegay in uu uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada hagar la’aanta ah ee ay sida joogto ah u siiso Soomaaliya.

“Waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Turkiga taageeradeeda hagar la’aanta ah ee mar walba dalkeenna la garab taagantahay,” ayuu yiri Xisbiga Himilo Qaran.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here