Saturday, July 27, 2024

WARARKA DUNIDA OO  KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Halkaan kala soco wararka dunida oo kooban, adiga oo faahfaahinta iyo sheekooyin kale ka heli kara bogaga aan ku leenahay Baraha Bulshada ee Dawan TV.

Turkiga

Sirdoonka Turkiga ayaa burburiyay ku dhawaad 50 xarumood oo kooxda argagixisada ah ee PKK ay ku lahayd  Magaalooyin badan oo ku yaal  Suuriya, iyada oo sidoo kale duqeyn lala beegsaday xubno ka tirsan ururkaas,  sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Ciraaq

Dowladda Ciraaq ayaa cambaareysay beegsiga Mareykanka uu ku hayo Saldhigyadeeda  meleteri, iyada oo ku tilmaantay “ fal cadawtinimo oo cad”.

Falastiin

Adeegga taleefoonada iyo internet-ka ayaa ka go’ay Marinka Gaza sababo la xiriira weerarada is daba joogga ah ee Israa’iil, sida ay sheegtay shirkadda isgaarsiinta Falastiin.

Kuwait

Kuwait ayaa sheegtay in meydadka labo qof oo u kala dhashay dalalka Kuwait iyo Sacuudiga laga helay Gobolka Anbaar ee Galbeedka Ciraaq.

Hindiya

Boliiska Hindiya ayaa sheegay in ay baarayaan wararka sheegaya in uu  qarax ka dhacay meel u dhow safaaradda Israa’iil ee Caasimadda New Delhi.

Ukraine

Taliyaha guud ee Ukraine ayaa xaqiijiyay in Magaalada Marinka ee ku taal Bariga Gobolka  Donetsk ay gacanta ugu jirto  ciidamada Ruushka.

Faransiis

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ay walaac xoogan qabto,  kadib markii Israa’iil ay wacad ku martay in ay sii xoojin doonto howlgallada ka socda Marinka Gaza.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here