Thursday, August 7, 2025

Soomaaliya oo soo dhaweysay wafuud Ka socota FIFA

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn u soo dhoweysay wufuud caalami ah oo ka socota hay’adda kubadda cagta ee FIFA, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku imaanaya Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Dahabo Suusow, ayaa sheegtay in maalintani ay tahay mid taariikhi ah, iyadoo Soomaaliya martigelineyso ciyaartooyda halyeeyada Afrika iyo madaxda FIFA iyo CAF.

Ciyaartooyda caanka ah ee Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha ayaa Muqdisho soo gaaray, iyagoo ka qeyb qaadan doona ciyaar soo dhaweyn ah oo lagu qaban doono magaalada. Ciyaartan ayaa dhiirrigelin weyn u noqon doonta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo taageerayaasha ciyaaraha dalka.

Wufuudda FIFA ayaa kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta ciyaaraha Soomaaliyeed si looga wada hadlo qorshayaasha horumarinta kubadda cagta ee dalka, iyadoo sidoo kale ciyaarta soo dhaweynta ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo taageerada ciyaaraha Soomaaliya.

Wasiir Dahabo Suusow ayaa shacabka ugu baaqday inay si balaadhan u soo dhaweeyaan wufuudda FIFA, iyagoo rajeynaya in booqashadani ay horseedi doonto horumar iyo sumcad dheeraad ah oo ciyaaraha Soomaaliya lagu gaaro.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here