Saturday, July 27, 2024

M/weyne Xasan iyo Amiirka Qatar oo tababar usoo xiray ciidamo cirka ah

Dooxa (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo Amiirka Dalka Qatar, Tamiim bin Xamad ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalanjabinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun, kuwaas oo tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka uu kaalinta koowaad u galay Saciid Cali Cabdullaahi oo ka mid ah Halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, sida ay sheegtay Viila Somaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka”.

Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahadceliyey Amiir Tamiim Binu Xamad iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

Amiirka Qatar, Tamiim ayaa ah hoggaamiyihi labaad ee Carbeed kaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay arrimaha Gobolka kadib khilaafkii ka dhashay heshiiska Badda ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland kowdii bishaan January.

Dhaqdhaqaan diblomaasiyadeed ayaa kusoo aadaya kadib markii ay Xukuumadda Soomaaliya ka codsatay Ururada caalamiga ah iyo Dowladaha daneeya xasiloonida Gobolka in ay garab istaagaan  xaqa Dowladda Soomaaliya  ee ilaalinta  midnimadeeda dhuleed kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

Dowladda Qatar ayaa ku guulaysatay bishii May 2021, dhex-dhexaadinta dib u soo celinta xiriiirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo xilligaas mugdi soo kala dhax gelay.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here