Sunday, June 1, 2025

Shirweyne lagu xoojinayo ammaanka Afrika oo ka furmay Nairobi

Mareykanka iyo Kenya ayaa si wadajir ah magaalada Nairobi ugu furay Shirweynaha Taliska Ciidamada Afrika 2025 kaasoo socon doona 28-29 May 2025, iyadoo la isugu keenay hoggaamiyeyaal sare oo ciidan oo ka socda ku dhawaad 37 dal oo Afrikaan ah si ay uga wada hadlaan caqabadaha ammaanka ee guud ahaan qaaradda.

Ka dib shirweynihii 2024 ee ka dhacay Botswana oo ahaa markii ugu horreysay ee Mareykanka iyo waddan Afrikaan ah si wadajir ah u qabtaan shirkaan, dhacdadan sanadkan ayaa si gaar ah u muujineysa doorka istiraatiijiga ah ee Kenya ee Bariga Afrika.

Jenaraal Michael Langley, Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika, ayaa sheegay in “Shirkan uu yahay madal muhiim ah oo iskaashi, kaasoo noo ogolaanaya inaan si toos ah ula shaqeyno la-hawlgalayaasha Afrikaanka ah si aan uga hortagno hanjabaadaha ka imaanaya guud ahaan qaaradda.

Ajandaha shirk a ayaa la sheegay in uu diiradda saari doonaa mowduucyo muhiim ah sida la-dagaalanka argagixisada, xasiloonida gobolka, amniga badda, iyo xiriirka wanaagsan ee shacabka iyo ciidamada, iyadoo la xoogga saarayo xalalka ay hoggaamiyaan Afrika oo ay taageerto Mareykanka.

Tan iyo markii la aas-aasay Shirweynaha Taliska Ciidamada Afrika 2017, waxuu noqday shir muhiim u ah hoggaamiyeyaasha ciidamada Afrika ay uga wada shaqeeyaan caqabadaha ammaanka.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa mas’uul ka ah hawlgallada ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika, tababarada, iskaashiga amniga, iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah si loo horumariyo danaha Mareykanka iyo nabadda, xasiloonida, iyo horumarka gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here