Saturday, July 27, 2024

Kenya oo hirgelineysa mashruuc lagu xallinayo dhibaatada biya yarida

Nairobi (Dawan)- Mashruuca Xal uraadinnta caqabadaha biya yarida ee ka jira Ismaamulada engegan ee Kenya ayaa daahfuray  mashruuc biya gelin ah oo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhawaad 1.5 milyan oo qof.

Ismaamulada engegan ee kala ah Turkana, Marsabit, Mandheera, Wajeer, iyo Garissa, oo dhamaan ah deegaano ay dadkooda ku tiirsanyihiin biyaha ceelasha iyo roobaka ayaa lagu wadaa in mashrucaan uu xal u noqdo caqabadaha dhanka biyaha ka heysta.

Dadka ku dhaqan deegaanadaan oo u badan xoola dhaqato ayay isbedelada cimiladu ku yeesheen saameyn ba’an iyada oo xilli roobaadyada ay la kulmaan fatahaado halka xiliyada kale ay haysato biya yari.

Mashruuca u-adkeysiga biyaha dulka ee Geeska Africa oo ay fulinayaan Wasaaradda Kheyraadka biyaha iyo wasaaradaha biyaha ee Ismaamulada engegan, maalgalintiisunna uu leedahay Bangika Aduunka ayaa galay sanadkiisii 2-aad, waxaana ku bixi doona lacag dhan 45 milyan oo doolaar.

Mashruucaan ayaa loogu talagay in uu socdo lix sano, waxaana la ansixiyay July 2022-kii

Mashruucaan ayaa lafilayaa in uu wax badan ka bedalo nolosha bulshada ku nool Ismaamulada ay ka jirto biya yarida, iyada oo lagu qodayo ceelal riig ah laguna dayactirayo kuwi hore si ay dadka iyo xooluhuba u helaan biya ku filan.

Sidoo kale, inta uu socdo mashruucan, waxa deegaanadaan laga dhisi doonaa biyo xireeno iyo goobo lagu keydiyo biyaha xilli roobaadyada si looga faa’iideysto laguna yareeyo khasaaraha ka dhasho fatahaadaha.

Mashruuca u-adkeysiga biyaha dulka ee Geeska Africa ayaa ah mashruuc ay si isku mid ah uga wada faa’iideysan doonaan dalalka Kenya, Soomaaliya Itoobiya, Koonfurta Suudaan, Jabuuti, Eritrea, iyo Suudaan si loo xagameeyo khasaaraha ka dhasha is bedelka cimiladda ee ay dalalkaan la kulmaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here