Munaasabad casho ah oo daarnayd xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaankii 10aad oo barxadda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dhacday 21kii February 2020, xilli muddo xileedkii Farmaajo uu ka harsanaa hal sano ayuu madaxweyne Farmaajo u yeeray Ra’iisul Wasaarehiisii xilligaas Xasan Cali Khayre kuna amray inuu ka hor akhriyo Soomaalida Sharcigii Doorashada baarlmaanku mariyay, kadibna ku hor saxiixay. Waa laga horyimid hirgelintiisa, Farmaajana waxaa lagu qasbay teendhada, balse 5 sano kadib mucaaradku waxay dalbanayaan hergelinta sharcigaas iyagoo qiraya inuu yahay mid damaanad qaadi kara doorasho xor iyo xalaal ah.
“Madasha waxay ka soo horjeeddaa in dib loogu laabto doorashadii dadbanayd ee sanadkii 2022, waxay taageersantahay hannaan doorasho oo daahfuran oo heshiis lagu yahay, looguna gogol-xaarayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen ee 2012, iyo xeerarka xisbiyada iyo guddiga doorashada uu ansixiyey iyo Baarlamaankii sagaalaad ee sharcigii doorashada tooska ah ee uu meel-mariyay Baarlamaankii 10aad” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka Mucaardaka.
Shanta qodob ee warmurtiyeedkii mucaaradka 31kii May 2025 ee Muqdisho ka soo baxay waxa uu si cad u qayaxay nooca doorasho ee ay soo jeedinayaan, iyagoo ku soo koobay:
- Maya doorashadii dadbanayd ee 2022: Waxay si cad u diideen in dib loogu laabto doorashadii dadbanayd ee 2022 dalka ka qabsoontay. Waxay ahayd doorasho ay gacanta sare ku lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada marka ay timaado soo doorashada xildhibaannada oo isku bedesha xulis halkii ay doorasho ka ahayd. Nidaamkaas mucaaradka Muqdisho jooga ma siinayo wax fursad ah, balse waa hubaal qeybta dambe ee doorashada madaxweynaha ee teendhada ka dhaceysa waa ay oggolyihiin. Lama fileynin inay mowqifkooda sidaan u caddeyn doonaan ugu yaraan xilligaan maadaama ay si cad uga hor imaaneyso rabitaanka Deni iyo Madoobe, waxaana la aaminsan yahay in qodobkaan uu sabab u ahaa inaysan labadan dambe bogoodin kulankii mucaaradka Muqdisho.
- Wax ka bedelka Dastuurka: Doorasho ku saleysan dastuurkii 2012, waxa kaliya ee laga fahmi karo waa inaysan oggoleyn in doorasho lagu galo dastuurka wax laga bedelay, waana qodob aad u cad oo Meesha ka saaraya 4ta cutub ee dastuurka la qabyo tiray.
- Sharciga axsaabta ee uu mariyay baarlamaankii sagaalaad, ma xaddidaayo tirada xisbiyada, halka kan dowladdu hadda adeegsaneyso uu tirada axsaabta saddex kaliya ku xaddidaayo, waana sababta ay u dalbadeen mucaaradku, waloow labada sharciba la kala sameeyay muddo xileedkii koowaad iyo kii labaad ee Xasan Sheekh.
- Guddigii doorshada baarlamaankii 9aad; waxaa la dhisay muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh, balse farqiga labada guddi u dhaxeeya waa in kii hore uu ku koobnaa qabashada doorshada Federaalka oo kaliya, halka kan cusub uu awood u leeyahay qabashada dhammaan saddexda heer ee doorasho.
- Sharciga doorashada baarlamaankii 10aad waxa uu ku saleysnaa in cod bixiyaha uu codkiisa siinayo musharaxa xildhibaan ee uu doonayo, halka kan cusub uu cod bixiyaha codka siinayo xisbi, xibsiguna uu go’aanka ka gaarayo musharraxa xlidhibaan – codkaaga qofka aad siineysid ma taqaanid-. Labada nuuc ee doorsho waxay ku wada sameysan yihiin nidaamka beel-qeybsiga 4.5, halka kan hore uu ku larayo deegaan, kan dambana uu Meesha ka saarayo deegaan-doorsho.
ka aqriso Halkaan warmurtiyeedkii mucaaradka 31kii May 2025 ee Muqdisho
Si kooban, mucaaradku waxay rabaan in saacadda dib loo celiyo oo la qabto doorashadii Farmaajo u qabsoomi weysay ee uu laba sano oo dheeraad ah u baahday si uu u hirgeliyo balse loo diiday, xilli muddo xileedka madaxweynaha uu ka harsan yahay sanad ka yar, su’aashu waxay tahay ma muddo kordhin ayaa loo ogolaan doonaa hay’adaha dowladda si ay doorashada la xusay u hirgeliyaan, mise waa oraahdii Cali bin Abii Daalib RC ee ahayd “Hadal xaq ah oo dulmi looga danleeyahay”, mise suurtagaleysaa in Xasan Sheekh ku qanco dib uga laabashada, howsha 3da sano soo socotay ee wax ka bedelka dastuurka iyo dhammaan shruucdii xiriirka la lahaa?