By Asha Elmi
MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa Saluugnsan gogosha wadatashiga ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo la qorsheeyay in lagu qabto 15-ka Juun 2025.
War-saxaafadeed ay soo saartay Madashu maanta, ayaa lagu sheegay in Madasha ay dalbaneyso in gosgosha 15 june ay ka soo qayb-galaan madaxda dowlad-goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo dhan.
Madasha Samatabixinta waxay ku andacoonaysaa in kulammada Madaxweynuhu qabanayo 15-ka iyo 22-ka Juun aysan wax xal ah u keeneynin dalka, ayna sii xumeyn doonaan khilaafka iyo kala aaminbaxa siyaasadeed ee jira.
“Madasha waxay u aragtaa in kulammada u Madaxweynuhu qabanayo 15-ka iyo 22-ka bishaan ay yihiin kuwo taageero ugu raadinaya jidkii hore ee sababay khilaafaadka iyo kala aaminbaxa. Tallaabadaasina waxay dhaawacaysaa niyad wanaagga ay Madashu ku qaabishay gogosha,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madasha.
Kulammada Juun ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay sheegtay, in kulanka 15-ka Juun uu Madaxweynuhu la yeelan doono madaxda ay ka mid yihiin: madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, ku-xigeennadooda, guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada hore ee baarlamaanka, iyo madaxda dowlad-goboleedyadii hore, taasoo ka dhigan in madaxda Dowlad-goboleedyada hadda aysan qayb ka noqon doonin kulanka 15-ka Juun.
Sidoo kale, Wasaaradda Warfaafinta ayaa intaas ku dartay in 22-ka Juun uu Madaxweynaha isugu yeeri doono Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ), oo ka kooban madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, kaas oo lagu gorfeyn doono talooyinka kasoo baxa wadatashiyada, waxaana la filayaa in GWQ uu ka gaaro go’aamo rasmi ah.
Natijooyinkaas ayaa markaa kadib la horgeyn doonaa Baarlamaanka Federaalka si loo gaado tallaabo shariyeed haddii loo baahdo wax-ka-beddel sharci ama dastuur.