Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ayaa beenisay eedeymo sheegaya in ay ku lug lahayd xarigga iyo dhimashada Albert Omondi Ojwang oo ahaa macallin 31 jir ah baraha bulshada caan ka ahaa kaas oo soo gudbin jiray dhaliilaha dowladda Kenya.
Ojwang ayaa lagu xiray Sabtidii magaalada Homa Bay, iyadoo la sheegay in sababtu ahayd qoraallo uu barta X ku baahiyey oo ku dhaliilay Ku-xigeenka Taliyaha Booliska Kenya. Waxaa isla maalintaas loo wareejiyay Nairobi, waxaana lagu xiray Saldhigga Dhexe ee Booliska, halkaas oo uu ku geeriyooday ugu danbeyntii.
Natiijada baaritaanka meydka ayaa muujisay inuu u dhintay dhaawacyo culus oo ka gaaray jirkiisa qeybo ka mid ah sida qoorta, taasoo tuhun galineysa sheegashooyinkii booliska ee ahaa inuu is-dilay.
Safaricom ayaa bayaan rasmi ah ku sheegtay inaysan wax xiriir ah la lahayn hay’adaha amniga iyo geeridiisaba. “Wax xiriir ah nagama dhaxayn hay’adaha amniga ee baarayay ama xiray marxuumka,” ayuu yiri Maamulaha Guud ee shirkadda, Dr. Peter Ndegwa.
Shirkaddu waxay sidoo kale cambaareysay hadal uu jeediyay Hon. Justin Muturi oo Safaricom ku eedeeyay inay qayb ka ahayd dhacdada.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa cambaareeyay geerida Ojwang isagoo qiray in uu ku dhintay gacanta booliska, wuxuuna amar ku bixiyay in baaritaan degdeg ah la sameeyo.
Ojwang wuxuu caan ka ahaa baraha bulshada, isagoo si joogto ah u dhaliili jiray madaxda dowladda iyo hay’adaha ammaanka. Geeridiisa ayaa kicisay caro ballaaran oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana loo arkaa tijaabo ku saabsan xorriyadda hadalka iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.