Monday, June 16, 2025

Gogosha Wadatashiga Qaran oo dib ugu dhacday sababo farsamo

By Asha Elmi

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu xaqiijisay Dawan TV in Gogosha Wadatashiga Qaran oo lagu waday inay dhacdo 15-ka Juun 2025 ay dib u dhacday. Sababta dib u dhaca ayaa lagu sheegay in ay tahay caqabado farsamo oo la xiriira soo gaaritaanka qaar ka mid ah ergada Muqdisho.

Sida ay sheegtay Madaxtooyada shirka ayaa  lagu ballansan yahay inuu dhaco 16-ka Juun 2025, waxaana lagu qaban doonaa Hotel Decale, oo ku dhex yaalla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Shirka, oo loogu magac daray Gogosha Wadatashiga Qaran, ayaa la filayaa inuu soo dhaweyn doono 50 ka qeybgaleyaal ah oo ka socda dhinacyo kala duwan oo siyaasadeed, oo ay ku jiraan madaxdii hore sida  Madaxweynayaal, Ra’iisul Wasaarayaal, Madaxdii dowlad goboleedya, Ra’iisulwasaaraeyaal kuxigeeno, Ururrada siyaasadda diiwaan gashan, Bulsho rayid ah iyo siyaasiyiin muhiim u ah shirka.

Shirka waxaa la filayaa inuu socdo saddex maalmood, iyadoo Ajendaha shirka looga hadli doono xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

Magaca shirka ayaa inbadan dood ka taagneyd, ayaa rasmi ah looga dhigay Gogosha Wadatashiga Qaran.

Qaar ka mid ah Mucaaradka Soomaaliya ayaa horay uga qabay shirka dood ku saabsan inuu yahay madal wadahadal oo kaliya, halkii uu ka ahaan lahaa madal wadatashi iyadoo qarrkoodna ay si cad u diideen, inay ka qeyb galaan, iyagoo ku andacoonaya in shirka aanu ahayn mid go’aan qaadasho leh.

Madaxtooyadu ayaa horay carrabka ku adkaysay in Gogosha Wadatashiga Qaran uusan ahayn madal go’aan qaadasho balse uu yahay madal wada-tashi oo loogu talagalay in lagu gaaro isku-afgarad guud oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo go’aanka kama dambeysta ah ay gaari doonaan hay’adaha dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here