By Asha Elmi
Ciidamada Ka Hortagga Argagixisada ee Puntland (PCTF) ayaa sheegay inay soo qabteen xubin ka tirsan kooxda ISIS xilli ay wadeen hawlgallo ka socda buuraha Calmiskaad, ee ku yaalla Puntland, gobollada waqooyiga ee Soomaaliya.
Ciidamada ayaa xubinta ay soo qabteen ku magacaabay xasan Atar, oo ah muwaadin Turkiga ah, kaas oo ay ku tilmaameen ah guul muhiim u ah hawlgallada socda ee Puntland ee lagu beegsanayo unugyo ka tirsan Daacish ee ka howlgala Puntland.
Sida ay sheegeen Ciidamada Ka Hortagga Argagixisada ee Puntland, 15-ka Juun 2025, Atar ayaa la qabtay xilli uu isku dayay inuu ka baxsado goobta hawlgallada. Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda guud ee Puntland ee lagu baabi’inayo kooxda Daacish ka hawlgasha gobolka.
Ma jirto cid madax banaan oo xaqiijisay ninkaan iyo xiriirka Daacish uu la leeyahay.
Hawlgalkani, ayaa qeyb ka ah holwaglaka Hilaac oo ah mid ka mid ah hawlgallada ugu muhiimsan ee ciidamada Puntland ay ka wadaan Puntland.
Howlgalka ayaa hadda uu dhamaaday wajigiisa 3-aad, waxaana la bilaabay wajigiisa 4-aad, taas oo ah marxaladdii ugu dambeysay ee lagu beegsanayo Daacish-ta ka howlgasha agagaarka Caalmiskaad.
Hawlgalladan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda Puntland ee amniga iyo ka hortagga Kooxaha Alshabaab iyo Daacish.