Saturday, July 27, 2024

Addis Ababa oo martigelisay wareega 2-aad ee wada xaajoodka biya xireenka Itoobya

Addis Ababa (Dawan)- Wareega labaad ee wada xaajoodka biya xireenka Itoobiya ayaa ka billaawday caasimadda dalkaas ee Addis Ababa iyada oo ay goob joog ahaayeen mas’uuliyiin ka kala socda Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Masar iyo Suudaan ayaa walaac xooggan ka qaba biya xireenka ay sameysay Itoobiya kaas oo ay ku doneyso inay ka dhaliso koronto ku filan dadkeeda sidoo kalena ay u dhoofiso dalalka deriska la ah.

Wasaaradda Waraabka ee Masar ayaa sheegtay in ujeedka wada xaajodkaan cusub yahay in la dhameystiro wada xaajoodkii koowaad ee ka dhacay magaalada  Qaahira  sannadkii hore si xal waara oo dan u wada ah seddexda dal loo gaaro.

Wasiirka Waraabka ee Masar Hani Sweilem ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan wada hadallada inta laga gaarayo heshiis caddaalad ah oo kama dambeys ah.

Seleshi Bekele oo ah madaxa kooxda wada xaajoodka ee Itoobiya ayaa  caddeeyay mowqifka Itoobiya ee ah in si siman oo macquul ah looga faa’ideysto biyaha  webiga Niil, sida ku cad  Mabaadii’dii lagu heshiiyay  2015.

Seleshi Bekele ayaa intaas ku daray in Itoobiya ay ka go’antahay ka mira dhalinta in la gaaro heshis loo marayo wada xaajood iyo is af-garad.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku  dhawaaqay billaawgii bishaan September  in la dhameystiray  biyo xireenka weyn ee Wabiga Niilka Buluuga ah, kaas oo la qorsheynayo in laga dhaliyo koronto daboosha baahida ay muwaadiniinta dalkaas u qabaan koronto ku filan.

Dowladaha Masar, Suudan iyo Itoobiya ayaa kawada xaajoonayay  sidii heshiis looga gaari lahaa biya xireenka Itoobiya tan iyo sanadkii 2011, inkasta oo aan ilaa hadda wax guul ah laga gaarin wada hadalladaas.

Sidoo kale Midowga Africa aya ku guuldarreystay inuu xal u keeno khilaafka u dhaxeeya seddexdaan dal oo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho xasiloonada iyo nabadgelyada guud ee Qaaradda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here