Friday, August 8, 2025
Array

Soomaaliya iyo AUSSOM oo Fuliyay Howgalka Duufaanta Aamusan

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya (SNA), oo kaashanaya Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM, ayaa si guul leh u fuliyey howlgal milatari oo lagu magac daray “Duufaanta Aamusan” (Silent Storm) sida ay dowladda sheegtay.

Howlgalkan ayaa si gaar ah loogu beegsaday deegano ay Al-Shabaab ku sugnaayee oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo ay sheegtay dowladda in lagu xoojinayo amniga Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay guusha howlgalka, isagoo ka hadlay shir jaraa’id oo uu qabtay 15-ka Juun 2025.

Wasiir Cumar ayaa sheegay in howlgalkan lagu guuleystay iyadoo deegaano muhiim ah oo hoostaga   Sabiid, Caanoole, Awdheegle, iyo Bariire laga qabsaday Al-Shabaab, kuwaas oo horey u ahaa goobo ay kooxda gacanta ku hayeen.

“Waxaan ugu hambalyeeynayaa ciidanka AUSSOM iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed guulihii ay ka gaareen Shabeellaha Hoose maalmihii ee la soo dhaafay.ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.

Howlgalkani, oo socday maalmahi la soo dhaafay, ayaa sidoo kale keenay qabashada hub culus, rasaas, iyo agab kale oo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku isticmaali jirtay. Sidoo kale, waxaa la sheegay inay qabteen xubno nool oo ka tirsan kooxda.

Wasiir Cumar Cali Cabdi ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay shacabka ku hayeen dhibaatooyin badan, iyadoo burburisay buundooyinka deeganadda iyado adeegsaneysa miinooyin dhulka lagu aasay.

Wasiir Cumar Cali Cabdi ayaa sidoo kale sheegay muhiimada howlgalkan, isagoo carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay doonayso inay la wareegto deegaano badan ka hor 65-jirnimada xoriyadda Soomaaliya oo hadda ka harsan tahay wax ka yar 15 maalin.

“Waxaan rajeyneynaa in maalmaha xoriyadda ay degaano fara badan gaaraan xoriyadda, isla markaana calanka ummadda Soomaaliyeed uu ka dul babado deegaanno cusub,” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.

Dowladda Soomaaliya ayaa waayadii u dambeeyey xoojisay weerarada ay ku qaadeyso Al-Shabaab, iyadoo la kaashaneysa ciidamada macawisleyda, Ciidamada Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamka oo ka taageeray duqeymo cirka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here