Saturday, July 27, 2024

Xukunada eedeysanayaalka musuq-maasuqa

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saartay 11 eedeysane oo ka mid ah 25 eedeysane oo loo heysto lunsashada hanti dowladeed oo kor u dhaafeysa 21 Milyan oo doollar.

Dhageysiga maxkamadda oo toos warbaahinta looga daawanayay ayaa qaadatay muddo bil kabadan.

Eedeysanayaalka maanta la xukumay ayaa ka kala tirsan Wasaaradaha Maaliyadda, Shaqada, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Bangiga Dhexe.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa kusoo eedeeyay mas’uuliyiintaan xatooyo xoolo dadweyne, been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ku takri fal Xafiis dowladeed iyo qaadasho laaluush.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in 6 ka mid ah 11-ka qof lagu helay dembiyo kala duwan, halka 5 qof lagu waayay wax dembi ah, dibna loogu celiyay xorriyadooda.

Halkaan hoose ka akhriso xukunka ay Maxkamaddu ka gaartay 11-ka eedeysane.


Natiijada Kiiskan oo la wada sugayay ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca marka loo eego baaxadda eedeymaha, tirada eedeysanayaasha iyo qiimaha hantida loo heysto, waxaana la aaminsan yahay in uu bog cusub u furayo hab-maamulka dowladda Soomalaiya.
Natiijada kiiskan ayaa sidoo kale loo arkaa in ay saameyn weyn ku yeelaneyso laba qeybood oo kamid ah dowladda Soomaaliya; Waa tan horee, waxay imtixaan u tahay awoodda iyo madax bannaandia garsoorka Soomaaliya oo lagu qiimeyn doono sida ay u maareeyaan kiiskan iyo tan labaad oo ah, xal u helidda boobka hantida dowladda oo wax caadi ah ka noqtay hay’adaha dowaladda.
Waxaa xisid mudan in qeyb kamid ah eedeysayaasha maqanaayaasha ah ee aan soo xaadirin maxkamadda ay ku dhici doonaan xukunno dheeraad ah oo ka dhalan kara inaysan ogoolaaan u yeerista maxkamadda.

Maxkamaddu waxey sheegtay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka ay qaadan karto racfaan, muddada uu sharcigu u ogolyahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here