Kulankii maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo baajiyey sababo la xiriira kooram la’aan, iyadoo 87 Xildhibaan oo kaliya ay yimaadeen.
Baaqashada Kulanka ayaa Waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Labaad ee Golaha Shacabka, Abdullahi Omar Abshir (Abshirow), oo sheegay in kulankaasi aan la qaban karin maadaama aan la helin tirada xildhibaanada ee loo baahnaa oo ahayd 139 xildhibaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in isbuucii hore xildhibaanada la ogeysiiyey in Baarlamaanka uu furmi doono 16-ka Juun si ay ugu sii talagalaan. Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegay Guddoomiye Abshir-Abshirow, ajandayaasha maanta waxaa ku jiray dhaarinta xildhibaanada cusub ee soo galay baarlamaanka iyo ansixinta axdiyo iyo aqriska sharciyo muhiim ah, laakiin arrimahan ma suura gelin.
“Ajandaha maanta, oo ay ku jireen dhaarinta xildhibaannno cusub, ansixinta axdiyo iyo aqriska sharciyo muhiim ah,, ma hirgelin,” ayuu yiri Guddoomiye Abdullahi Omar Abshir (Abshirow).
Guddoomiye Abshir-Abshirow ayaa sidoo kale sheegay in Arbacada la qorsheynayo in la isku qabto ajandahii maanta suurageliwaayay iyo kan maalinta Arbacada oo la isku geyn doono.
Baaqashadaan ayaa imaaneysa iyadoo uu gabgabo marayo kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka, kaasoo muddo 4 bilood ah soo socday socday.
Waxaa xusid mudan in kulamada Baarlamaanka ay marar badan u baaqdeen sababo la xiriira kooram la’aan, iyadoo kulanka maanta ahaa kii ugu horeeyey ee Baarlamaanku ka dib fasaxa Ciidda iyo Xajka.