Saturday, July 27, 2024

Lix qof oo magaalada Gaarisa loogu dilay colaad beeleed darteed

Gaarisa (Dawan)- Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay deegaanka Kunaso ee hoos taga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, kadib markii ay soo cusboonaatay colaad beeleed u dhaxeysa dadka wada dega deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxa hubeysan istaajiyeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, islamarkaana ay dileen lix qof .

Wararku waxey intaas ku darayaan in dadka la dilay ay ku jireen labo arday oo dhigta dugsiga sare.

Lama oga sababta keentay colaada kasoo cusboonaatay deegaanka, balse waxaa hore u dhici jirtay in la isku qabsado dhul kadibana ay ka dhashaan dagaalo geysta khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Ciidamada Booliska ayaa billaabay howl-gallo lagu baadi goobayo kooxdii ka danbeysay dilkaas si loo hor keeno caddaaladda.

Barasaabka Garissa Nadiif Jaamac Aadan ayaa u tacsiyeeyay ehelada marxuumiinta, isagoona ku baaqay shir deg deg ah oo ay ka soo qeyb gelayaan madaxda deegaanka , saraakiisha amaanka, iyo culumaa’uddiinka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here