Wednesday, June 18, 2025

Dowladda Ingiriiska oo Ballaarisay Barnaamijka Nabadaynta Soomaaliya

By Abukar Osman

Barnaamijka Nabadaynta Soomaaliya, oo ay maalgeliso Dowladda Ingiriiska, ayaa si rasmi ah u ballaariyay kulamada wada-tashiga ee loogu  talagalay in lagu xalliyo caqabadaha amni iyo caddaaladeed ee ka jira deegaannada soomaaliya sida ay  sheegtay dowladda ingriiska

 Doolow iyo Xudur ayaa noqday degmooyinkii ugu dambeeyay ee lagu daro barnaamijkan, kaddib kulamadii  horey looga fuliyay  Kismaayo iyo Baydhabo.

Kulankii ugu horreeyay ee Doolow, oo dhacay 3-da Juun 2025, ayaa waxaa kasoo qeybgalay in ka badan 100 qof oo ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Caddaaladda iyo Amniga ee Jubbaland, Taliska Booliska, Duqa Doolow, iyo xubno ka socday barakacayaasha iyo  qaar kamida bulshada la hayb-sooco.

 Kulankaasi waxa uu kusoo dhammaaday sida ay shee ballanqaad rasmi ah oo ku saabsan in kulamadaan si joogto ah loo qabto si wax looga qabto baahiyaha caddaaladeed iyo amni ee deegaanadaas kajira.

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, ayaa sheegay in barnaamijyada sida Nabadaynta ay fursad u siinayaan bulshada Soomaaliyeed in ay iyagu hogaamiyaan xalalka ay u baahan yihiin.

Boqortooyada Midowday waxa ay si buuxda u taageeraysaa barnaamijyada sida Nabadaynta oo bulshada ka dhigaya xarunta ay ka bilaabato caddaaladda iyo nabadda,” ayuu yiri Safiir King. “Kulamadan waxay siiyaan Soomaalida cod iyo meel ay ku go’aamiyaan xalka dhibaatooyinka ay la kulmaan.”

Kulamadaan  ayaa hadda ka socda dhammaan afarta degmo ee bartilmaameedka barnaamijka: Kismaayo iyo Doolow (Jubbaland), iyo Baydhabo iyo Xudur (Koonfur Galbeed). Sanadkan 2025 gudihiisa, saddex wareeg ayaa laga qabtay Kismaayo iyo Baydhabo, halka kulankii ugu horreeyay ee Xudur uu dhacay bishii May.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here