Saturday, July 27, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

MOLDOVA/Jamhuuriyadda Czech

Chisinau / Prague – Xoghayaha Arirmaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqanaya dalka Maldova, isaga oo uga sii gudbin doona caasimadda dalka Czech ee Prague si uu uga qayb galo shirka wasiirada arrimaha dibadda ee NATO.

Qorshihiisa waxaa ka mid ah inuu wada-hadal lala yeesho Madaxweynaha Moldova Marwo Maia Sandu.

UK

Belfast – Maxkamadda Sare ee Waqooyiga Ireland ayaa dhageysatay racfaanka dacwad ka dhan ah qorshaha muranka dhaliyay ee qaxootiga loogu tarxiilayo dowladda Rwanda.

Garsoore Humphreys ayaa hore u xukumay in qayb ka mid ah sharciga socdaalka ee dowladda UK in uu ku xad-gudbay xuquuqda aadanaha iyo heshiiskii Brexit-ka

Ra’iisul wasaare Rishi Sunak ayaa sheegay in dowladdu ay racfaan ka qaadan doonto xukunka, isaga oo tillaabada Waqooyiga Ireland ku tilmaamay mid noqon karta in ay kusoo jiidato qaxootiga si aan loogu tarxiilin Rwanda.

US

Washington – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka qayb qaadanaya laba xafladood oo ka dhacaya Philadelphia, Pennsylvania kuwaas oo ku saabsan ololihiisa doorasho.

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qabanaya kulan xog-waraysi furan oo ku saabsan xaaladda Bariga Dhexe, gaar ahaan qaddiyadda Falastiin.

Duulaanka Israel ee Rafax ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doona kulanka.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Muwaadiniinta Koonfur Afrika ayaa maanta oo Arbaca ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan xubnaha ku meteli doona Golaha Baarlamaanka, iyada oo ay doorashadan kusoo beegmayso 30 sano kadib markii ay dadka dalkaas soo afjareen nidaamkii midab-takoorka.

Sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas, 27 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay ka qayb qaataan codeynta kuwaas oo dooran doona 400 oo wakiil, oo iyaguna sii dooran doona madaxweynaha xiga ee dalka.

Ku dhawaad ​​50 xisbi ayaa ku tartamaya doorashadan, iyadoo ra’yi ururin la sameeyay ay muujisay in xisbiga talada haya ee African National Congress Party uu lumin doono aqlabiyadda baarlamaanka, isla markaana uu ku qasbanaa doono inuu sameeyo xulafaysi.

KENYA

Nayroobi – 29-madaxweyne oo ka kala socda wadamada Afrika, uuna ka mid ayahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qayb gelaya shirka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

KOONFURTA KUURIYA

Seoul – Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk-yeol ayaa kulan la qaadan doona dhiggiisa Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan oo booqasho ku jooga dalkaas, waxeyna kawada xaajoon doonaan ballaarinta iskaashiga dhinacyada tamarta iyo difaaca.

SHIINAHA

Beijing – Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping iyo dhiggiisa Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa Beijing ku yeelanaya kulan laba geesood ah. Al-Sisi ayaa Beijing uga qayb gelaya Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta.

Soomaaliya waxaa Madashan ku metelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi.

PAKISTAN

Islamabad – Maxkamad ku taal Islamabad ayaa lagu wadaa inay soo saarto go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan in guurka Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi uu ahaa guur sharci darro ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here