Monday, August 18, 2025

Soomaaliya oo xaqiijisay in Wafdigii Shaqaalaha Adduunka ay soo labateen

Soohoyde

Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in xubno ka mid ah wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalayay Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Adduunka (ILC) ee Geneva ay baxsadeen.

Wasaaradda ayaa soo saartay war-saxaafadeed 18-kii Juun 2025, oo ay ku xaqiijisay in dhammaan xubnaha wafdiga Soomaaliya ay si buuxda ugu soo laabteen dalka kadib markii ay si sharaf leh u gutaan waajibaadkoodii shaqo iyo matalaadda Qaranka.

Shirweynaha 113-aad ee Shaqaalaha Adduunka ayaa la qabtay Juun 2 ilaa Juun 13, 2025 ee Geneva, Switzerland, kaas oo ka dhacay Palais des Nations iyo Xarunta Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO). Wafdiyo ka kala socda 187 dal oo xubno ka ah ILO ayaa ka qeybgalay shirkan si ay uga doodaan iyo ugu sameeyaan heerar caalami ah arrimaha shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha.

Soomaaliya waxaa ku matalaayey shirkaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, oo uu hoggaamiyey wasiirka Wasaaradda. War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa caddeeyay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay dhaawacayaan dadaallada muhiimka ah ee wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalayay shirkan, gaar ahaan arrimaha la xiriira xuquuqda shaqaalaha iyo doorka Soomaaliya ee doodaha siyaasadeed ee heer caalami.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan warbaahinta, falanqeeyeyaasha, iyo adeegsadayaasha baraha bulshada in ay muujiyaan mas’uuliyad suxufinimo iyo akhlaaq wanaag marka ay ka hadlayaan xogaha ku saabsan arrimaha dowladda, iyagoo ku boorinaya inay xaqiijiyaan xogaha ka hor inta aysan faafin.

War-saxaafadeedkan ayaa daba socday warar maalmo kahor lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in qaar ka mid ah xubnaha wafdiga Soomaaliya ee Geneva ay dhuunteen shirka oo socda, isla markaana ay magangalyo raadaseen dalalka kale. Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, oo wafdigaasi ay hoostagayaan, ayaa horey uga jawaabtay eedeymahaas, iyada oo ku tilmaantay warar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here