Jabuuti (Dawan) – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa loo doortay Guddoomiye cusub ee Guddiga Hogaaminta Caafimaadka Bariga Afrika (RESCO) kadib shirkii saddexaad ee guddigan, oo lagu eegay isku dubaridka siyaasadaha caafimaadka ee gobolka Bariga Afrika. Doorashadan ayaa la sameeyay 17 Juun 2025, waxaana sidoo kale loo doortay Tanzania Madaxweyne ku-xigeenka guddigan.
Shirkan, oo ka dhacay caasimadda Jabuuti, waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Caafimaadka ee Jabuuti, Axmed Robleh Cabdilleh. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada Caafimaadka ee dalalka gobolka Bariga Afrika, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaji Aadan Abubakar, Wasiirada Caafimaadka ee Dalalka xubnaha ka ah ururkaan iyo wakiillo ka kala socda ururo caalami ah sida Ururka Midowga Afrika (AU), Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), iyo Ururka Iskaashiga Dowladaha Geeska Afrika (IGAD).
Guddiga Caafimaadka Bariga Afrika, oo la aasaasay si loo xoojiyo iskaashiga caafimaadka ee Bariga Afrika, wuxuu diiradda saaraa sidii loo hagaajin lahaa isku xirnaanta jawaabaha looga baahan yahay xaaladaha caafimaad ee xuduudaha ka gudba, isku dubaridka siyaasadaha caafimaadka, iyo dhismaha nidaamyo caafimaad oo adkeysi leh oo ka hortagi kara caqabadaha soo kordhaya. Guddigan ayaa door muhiim ah ka ciyaara dejinta istiraatijiyadaha caafimaadka ee gobolka, iyadoo si gaar ah loo eegayo khataraha caafimaad ee ay keeni karaan isbedelka cimilada iyo faafaahinta cudurrada.
Axmed Robleh Cabdilleh, Wasiirka Caafimaadka ee Jabuuti, ayaa sheegay: “Si buuxda ayaa loo qirayaa masuuliyadda ka timaadda hogaaminta guddigan. Jabuuti waxay go’aan cad ka qaadatay sidii ay u xoojin lahayd wada-shaqeynta caafimaadka iyo sidii aan u horumarin lahayn jawaabta gobolka ee caqabadaha caafimaad ee aan wajahno.”
Kulanka ayaa xoogga saaray caqabadaha caafimaad ee dhanka amniga caafimaadka, diyaarinta xaaladaha degdegga ah ee cudurrada faafa, iyo baahida loo qabo in la isku waafajiyo siyaasadaha caafimaadka ee dalalka xubnaha ka ah si loo helo jawaab isku dhafan oo waxtar leh. Wasiirrada ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay kulankii hore waxayna ku baaqeen in si dhaqso ah loo hirgeliyo ballanqaadyada horey loo sameeyay.
Jabuuti, oo ah Guddoomiye cusub ee RESCO, waxay hadda qaadan doontaa doorka muhiimka ah ee hogaaminta qorshayaasha caafimaad ee gobolka Bariga Afrika. Hogaaminta Jabuuti waxay kala wareegtay Soomalaiya oo heysay 3 sano e elasoo dhaafay.
Dalalka xubnaha ka ah RESCO ee Bariga iyo Bartamaha Afrika waxaa ay yihiin Tanzania, Kenya, Uganda, Itoobiya, Rwanda, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Jabuuti, Comoros, Ereteriya, Madagascar, Mauretaniya, Seychelles, iyo Suudaan.
Iskaashigan caalamiga ah ayaa muhiim u ah caafimaadka dadka Bariga Afrika, iyadoo la wadajoogo teknoolojiyad casri ah iyo siyaasado caafimaad oo waara. Hogaaminta Jabuuti ayaa noqoneysa furaha horumarinta caafimaadka ee gobolka, iyadoo laga shaqeynayo sidii looga jawaabi lahaa caqabadaha caafimaad ee soo koraya ee Bariga Afrika.