Sunday, June 22, 2025

Soomaaliya oo burburisay keyd hub oo AS ku lahaayeen Aadan Yabaal

Aadan Yabaal (Dawan) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay guusha howlgal ciidan oo lagu burburiyey laba xarumood oo Al-Shabaab u isticmaali jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka ee magaalada Aadan Yabaal, oo ku taalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraal ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, waxaana lagu burburiyey laba xarumood oo ay Al-Shabaab isticmaali jireen.

Xarumahan ayaa la sheegay inay ku jireen gaadiid dagaal iyo keyd hub. Goobtaasi laga arkay dab xooggan oo ka kacay kadib markii howlgalka la fuliyey.

“Waxaa la arkayay xaruntaasi oo si daran u gubanaysa markii lagu burburiyay howlgal bartilmaameed ah,” ayaa lagu yiri qoraalka warbahinta dowladda.

Warbahinta dowladda ma aysan shaacin cidda fulisay weerarka iyo haddii uu jiro khasaaro nafeed oo kooxda soo gaaray.

Howlgalkan ayaa yimid iyadoo Dowladda Soomaaliya 20-kii Juun sheegtay in howlgal kale oo ay ka fulisay Aadan Yabaal ay ku dishay 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa guri ay dowladda sheegtay in Al-Shabaab u isticmaalayeen xarun kaydka hubka iyo goob ay ka abaabulaan weerarro.

Al-Shabaab ayaa magaalada Aadan Yabaal la wareegtay gacan ku haynteeda 16-kii Abriil 2025, waxaana magaaladaasi ay leedahay muhiimad istiraatiijiyad ciidan iyo saadka ah, maadaama ay isku xirto dowlad-goboleedka Hirshabelle iyo Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa baryihii u dambeysay xoojisay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo bartilmaameedsaneyso goobaha ay kooxda kaga sugan tahay Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya si loo xoojiyo ammaanka iyo xasilloonida dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here