Muqdisho – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay Hiigsiga Qarni-jirka 2060 (CV2060), taasoo ujeeddadeedu tahay sidii Soomaaliya ugu jiheysan lahayd nabad waarta, koboc dhaqaale, iyo xasilooni Qaran oo ku wajahan 100 sano guurada xurnimada Soomaaliya.
Waa talaabo ay Soomaaliya ugu jeesitay si ay dooneyso in noqoto 35 sano ka dib, Barnaamijkan ayaa maraya heerka qorsheynta, isaga oo la filayo in uu gaaro marxaladda fulinta, taasoo ogaamin doonto sida ay u ekaan doonto Soomaaliya marka ay boqol sano jirsato, taasoo noqon doonta boqol sano guurada xurnimada dalka.
Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Abdi Barre, wasiirrada xukuumadda, bulshada rayidka, iyo madax ka socotay beesha caalamka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda daahfurka ayaa tilmaamay muhiimadda Hiigsiga 2060 iyo in uu yahay ballan-qaad qaran oo ku wajahan jiilasha soo socda. “Maanta, waxaan dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta berri,” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan.
Qorshahan Hiigsiga 2060 waxaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Janaayo 2023, isagoo ku sheegay inay tahay aasaaska qorshayaasha horumarineed ee Soomaaliya ee soo socda.
Ujeeddooyinka Muhiimka ah ee Hiigsiga 2060 (CV2060):
- Amniga iyo ciidamada: Waa mid ka mid ah yoolalka ugu muhiimsan ee dowlad u baahan karto, dhismaha ciidamada iyo qalabeyntooda si ay sugaan amniga dalka iyo xuduudihiisa, iyo la dagaalanka ururada hubeysan ee dalka ka jira sida Al-Shabaab iyo Daacish.
- Dowlad dhiska: Tiirka ugu weyn ee qeyb ahaan leysku khilaafo, doorashooyinka iyo arrimaha Dastuurka, adeeg bixinta hay’adaha dowladda Soomaaliya sida Caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bulshada ayaa ka mid ah hiigsigan.
- Dhaqaalaha: Tiir ka mid ah kuwa ugu waaweyn marka laga hadlo isku filnaasho dowladeed, Soomaaliya waa ka liidataa, miisaaniyadeeda ayaa la kabaa, balse waxay qeyb ka tahay hiigsiga dowladda ay dooneyso in ay gaarto 35-ta sano ee soo socoto.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale xusay in Hiigsiga 2060 uu yahay qayb ka mid ah qorshayaasha isbeddelka qaranka ee dowladda, wuxuuna sheegay in uu Hiigsigu ka kooban yahay 7 qorshe qaran oo shan-sano ah. “Hiigsigan wuxuu xoogga saaraya sidii Soomaaliya ku noqon lahayd dal mideysan, xooggan, nabdoon, kana mid ah waddamada dakhliga dhexe meelaha sare kaga jira, marka la gaaro sanadka 2060,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xamse.
Beesha caalamka ayaa muujisay rajo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya, iyo inay diyaar u tahay inay la shaqeyso dowladda Soomaaliya si loo gaaro yoolalka lagu qeexay qorshahan Hiigsiga 2060.
Bandhigga Hiigsiga 2060 oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa la filayaa in birri lagu soo gabgabeeyo Muqdisho.