Wednesday, June 25, 2025

Kadib Muqdisho, yaa soo labeen doona, ma Baydhabo mise Dhuusamareeb?

Guddiga Doorashooyinka ayaa magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ka wada ololaha diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka, halka mid ka mid ahna loo diray qalabka diiwaangelinta dadweynaha.

Guddiga Madax-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa 23-kii Juun 2025 billoway howlaha daabulidda agabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ku wajahan magaalada Dhusamareb ee Dowlad-goboleedka Galmudug kaas oo ahaa  afar tan.

Agabka waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka ambabixiyey Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Abdikarim Ahmed Hassan, iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qalabkaan loo adeegsan doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha Galmudug oo Dhuusa Mareeb kow ka tahay , kadibna loo sii gudbi doonaa degmooyinka kale ee Galmudug.

“Maanta waa maalin weyn oo dadka Soomaaliyeed loo muujinayo in guddiga uu jiheysateen Golabalda kale ee dalka, kadib markii aan gabegebo marsiineyno diiwaangelinta Muqdisho, ,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Talaabadan daabulidda ah ee Dhuusamareeb loogu diray qalabkaan ayaa magaalada ka dhigaysa Dowlad-goboleedka ugu horeeyey ee la geeyo qalabkaan, taasoo suura gelin doonta in Dhuusamareeb ay ka bilaabanto diiwaangelinta codbixiyeyaasha maalinka Sabdiga ah, sida guddiga uu sheegay.

Guddiga ayaa sidoo kale ka wado  magaalada Baydhabo ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyadoo shalay magaalada Baydhabo ku qabtay kulan dadweyne oo diiradda lagu saaray muhiimadda diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee guddiga uu qorsheynayo inuu ka bilaabo Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.

Labada magaalo ee Dhuusa Mareeb iyo Baydhabo ee Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed, ayaa marka loo eego magaalooyinka kale ee dowlad-goboleedyada, ah meelaha ugu badan ee guddiga uu ka wado dhaqdhaqaaqiisa.

Diiwaangelinta ayaa horay looga sameeyey magaalada Muqdisho, taasoo hadda ka socoto, waxaana la bilaabay 15-kii Abril ee sanadkan, walow aan si rasmi ah loo shaacin waqtiga la soo gabagabeynayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here