Saturday, July 27, 2024

Muxuu yahay yoolka Garsoorka dalka ee sannadka cusub?

Muqdisho (Dawan)- Shir sanadeedka Garsoorka dalka oo laba maalin ka socday Magaalada Muqdisho ayaa maanta lasoo gabagabeeyay.

Shirka ayaa sannadkan   hal-kudhig looga dhigay “Kaalinta Garsoorka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqa” waxaana lagusoo bandhigay cilmi baarisyo kala duwan oo looga hadlayay Garsoorka dalka iyo xogta sannadka ee ku saabsan dacwadaha la qaaday sannadii lasoo dhaafay iyo horumarka laga sameeyay.

Ujeedka Shirka Garsoorka

Ujeedka shirkan ayaa ah furitaanka sanadka cusub ee Garsoorka , qiimeeynta howlihii la qabtay sannadii lasoo dhaafay, caqabadaha hortaagan Dastuurka iyo soo bandhigista qorshaha horumarineed ee Garsoorka dalka.

Shirka ayaa kusoo aadaya xilli uu socdo dadaal xoogan oo dib looga yagleelayo Hay’adaha Garsoorka dalka sidoo kalena ay socdaan dhageeysiga iyo xukun dad loo heysto musuqa.

Sannadkii lasoo dhaafay, waxaa la billaabay qaadista dacwado la xiriira kiisas culus oo ay adkayd xilliyadi hore in ay u fadhiistaan Hay’adaha Garsoorka ee dalka.

Madaxda iyo Sharci yaqaanada kasoo qeyb galay shirka ayaa isla qiray muhiimadd uu Garsoorku u leeyahay xilligan la joogo la dagaalanka iyo ka hortagga musuqa.

” Musuq-maasuqa waa aafo, dhib badan oo mudda dheer naga hortaagneed dhismaha Dowladnimo xaqiijisa himilada dadkeena iyo horumarka umaddeena” ayuu yiri, Guddoomiyaha Maxakamdda Racfaanka ee Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ah mid sharci  ah oo ay tahay in la qabto sannad kasta sida uu qabo xeerka nidaamka Garsoorka  ee sharci LR3 qodobkiisi 30-aad ee la anisixiyey 1960, iyada oo loo jideeyey in looga hadlo arrimaha Garsoorka sida caqabadaha ku horgudban, hannaanka lagu xallin karo, fursadaha jira ee laga faa’iideysan karo, iyo soo bandhigidda qorshaha sanadka cusub.

Guddoomiyaha Maxakmadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed oo ka hadlay shirka ayaa yiri, ” Si ay Dowladdu u ilaaliyo nolosha , hantida, iyo sharafka muwaadinka, waxaa lagama maarmaan ah in ay jirto daah furnaan, in ay jirto isla xisaabtan, in ay jirto mas’uuliyad ku qotonta sharciga iyo qaynuunka, in ay jirto kala dambeyn iyo in ay jirto ku dhaqan sharci oo rasmi ah”

Yoolka sannadka ee Garsoorka dalka

Yoolka sanadkan ee lagusoo bandhigay shirka waxaa kamid ah;   Tayeenta howl wadeenada  Garsoorka, dibu dhiska iyo casriyeenta  xarumaha Garsoorka iyo helida caddaalad loo simanyahay.

Hadaba, Shirkan maxuu ka beddeli karaa Garsoorka dalka iyada aan ognahay in uusan dalka ka jirin Golaha Adeegga Garsoorka Soomaaliya, waxaan su’aashaas hordhignay sharci yaqaan Cabdishakur Calasaw, wuxuuna ku jawaabay;

” Shirka waxa uu leeyahay faa’iidooyin badan sida in lagu soo bandhigo cilmi baarisyo badan, waxaa looga hadlay caqabadaha heysta Garsoorka, sidoo kale, waxaa lagu faahfaahiyay sannadka soo socda waxyaabaha la qaban doono”

Cabdishakur Calasaw ayaa qiray in ay jirto caqabad hortaagan Garsoorka oo ah in ay meesha ka maqantahay Hay’addii Golaha Adeegga Garsoorka Soomaaliya ee maamuli lahayd Garsoorka dalka, wuxuuna ku baaqay in xoogga la saaro sidii loo dhisi lahaa Golahaas muhiimka ah iyada oo loo marayo hannaan ku dhisan caddaalad si loo helo Garsoor Madax bannaan oo ka garnaqa arrimaha waaweyn ee la isku qabsado.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here