Thursday, June 26, 2025

Dowladda iyo Mucaaradka oo ku heshiiyay qodobo muhiim ah

Mogadishu (Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo hogaamiyeyaasha Mucaaradka Soomaaliyeed ee ku mideysan Madasha Samatabixinta ayaa gaadhay heshiis ah in la bilaabo wada hadallo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dib-u-eegista Dastuurka iyo Heshiiska Habka Doorashada Tooska ah (Qof iyo Cod), waxaana kulankaasi lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya subaxnimadii Arbacada ee toddobaadkan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa  lagu xaqiijiyay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay ka wada hadlaan afar qodob oo  kala ah :

  • Xoojinta Midnimada Qaranka
  • Dib-u-eegista Dastuurka
  • Xoojinta Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada
  • Heshiiska Habka Doorashada Tooska ah

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ku heshiiyeen in ay sii wadaan dadaallada lagu doonayo in lagu soo daro xubnaha  ka maqan wada hadalka, sida Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, iyo Madaxweynaha Puntland, Said Cabdullaahi Deni, iyagoo qorsheynaya in la raadiyo ka qaybgalkooda

. Kadib wadahadallo dheer, waxaa la go’aamiyay in marxaladda xigta ee wada hadalada ay si rasmi ah u bilaabmidoonto 3-da Luulyo 2025,   sabab la xariirta  xuska maalmaha xuriyada.

Kulankan ayaa qayb ka ah wada hadallada socda ee u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

 Sida laga soo xigtay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kulankani waa “qaab-dhismeedka sii wadida wada hadalka ee Shirkii Wadatashiga Qaranka ee dhawaan la soo gabagabeeyay.”

Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyaha mucaaradka ee weyn, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo haatan ku sugan dalka Mareykanka, ayaa ka maqnaa kulanka, balse waxaa goobta ku sugnaa xubno muhiim ah oo ka tirsan dowladda sida Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Xosh.

Dhanka kale, Puntland ayaa muujisay walaac, iyadoo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si fiican uga awood roonaaday mucaaradka koonfurta. “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku guuleystay inuu fuliyo ajandihiisa, wuxuuna kaga adkaaday mucaaradka koonfurta,” ayuu yidhi Farah Juha, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here