Monday, June 30, 2025

Wararka Dunida oo Kooban

Maaxaay 

Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah maanta u dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed cusub oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho, taasoo calaamad u ah bilowga mashruuca  “Muqdishada Cusub”.

Addis Ababa

 Maxamuud Cali Yuusuf  Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya, u magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Suudaanta Koonfureed iyo Madaxa Xafiiska Isku Xirka midowga Afrika ee Juba.

Caabudwaaq.

 Laba qof oo rayid ah ayaa la dilay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib iska horimaad dhexmaray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo maleeshiyo hubeysan oo ka dhacay magaalada Caabudwaaq ee dowlad gobolkeedka Galmudug, Sabtidii.

Maqooqaha

Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay  in 37 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab la dilay inta lagu guda jiray howlgal milateri oo ka dhacay tuulada Maqooqaha, oo ku taalla  meel13 kiiloomitir galbeed ka xigta Bulo Haji ee gobolka Jubba Hoose.

Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo Spain iyo Boqortooyada ingriiska, halkaasoo uu kusoo saxiixi doono Heshiiska Istiraatiijiyadeed ee Kenya iyo UK ee dib loo cusboonaysiiyey.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here