Tuesday, July 1, 2025

Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 12aad oo ka Bilaabmay DDS.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiyada sare ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday deegaanadda dowlad deegaanka Soomaalida iyo guud ahaan dalka Itoobiya, Raja badan ayaa jirta oo ku saabsan isbdel ku yimaada natiijada ardayda deegaanka iyadoo sanadkan u fadhiisatay 16,779, oo isugu jira culuumta dabiiciga ah iyo kuwa bulshada.

Ardayda ayaa imtixaanka ku galaya xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin Jaamacadda Jigjiga, Jaamacadda Qabridahar, iyo jaamacado kale oo ku yaal deegaanada dariska ah.

Munaasabadda furitaanka imtixaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare oo uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Wasiirka Waxbarashada DDS, Mudane Maxamed Sheekh Aadan, ayaa sheegay in sanadkan ay xooga saareen tayeynta waxbarashada, gaar ahaan diyaarinta ardayda imtixaanka u fariisanaysa. Wuxuu sheegay in dadaallo dheeri ah la sameeyay si loo wanaajiyo waxbarashada, isla markaana ardayda loogu diyaariyo guulo la taaban karo.

Sanadkii hore, natiijada imtixaanka dugsiga sare ee dalka Itoobiya waxay noqotay mid aad u liidata, gaar ahaan Deegaanka Soomaalida. Tirada guud ee ardayda deegaanka ee u fariisatay imtixaankii sanadkii hore waxay ahayd 21,225, balse waxaa imtixaankaas ka gudbay kaliya 261 arday, taasoo u dhiganta 1.2% keliya.

Waxaa kale oo si weyn Caro udhalisay in xogta muujinaysay in hal ardayna uusan ka gudbin 158 dugsi sare oo ku yaal gudaha Deegaanka Soomaalida sanadkii hore –

Khubarada arrimaha waxbarashada ayaa aaminsan in sababaha natiijooyinkan liita ay ka mid yihiin tayada hoose ee manhajka dalka itoobiya iyo agabka waxbarashada oo aad u xaddidan

Inkasta oo sanadihii dambe ay jireen natiijooyin is-daba-joog ah oo liita, haddana sanadkan waxaa la filayaa in isbeddel muuqda lagu arko dadaallada maamulka waxbarashada uu sheegay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here