Saturday, July 27, 2024

Xamsa oo uga warbixiyay Farmaajo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Doha (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa hoyga uu ka degganyhahay Doha ku booqday Madaxweynihii Hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri, ” Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka”.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Dhanka Farmaajo wax war ah oo la xiriira kulanka kama soo bixin balse waxaa uu dhawaan bogaadiyay dagaalka ciidamada dowladdu kula jiraan xoogaga Al-shabaab, isaga oo ku baaqay in la garab istaago ciidamada xoogga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qatar u tegay bishii Maarso ee lasoo dhaafay ka qeyb-galka shirka dalalka soo koraya oo ay soo agaasintay Qaramada Midoobe, ayaa sidaan oo kale ula kulmay Farmaajo iyaga oo kawada hadalay dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan sidii Al-shabaab dalka looga saaari lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo seddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Qatar ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta, ganacasatada dalkaas iyo shakhsiyaad Soomaaliyeed uu ku jiro Shiikh Cabdirashiid Shiikh Cali Suufi oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Doha ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa ballan qaaday in dowladdiisu kaalin weyn ka qaadaneyso taageeridda  dadaallada lagu doonayo in shacabka Soomaaliyeed  lagu gaarsiiyo amni, xasilooni iyo barawaawo

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here