Thursday, July 3, 2025

Gobolka Banaadir oo soo bandhigay daahfurnaan la’aan ka jirta mushaaraadka uu bixiyo

By Abdullahi Salad

Muqdisho(Dawan)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muddo sanado ah ay jiraan dad aan waligood gobolka usoo shaqo tagin ama aan shaqo u qaban, balse ay mushaar ka qaadanayeen, iyadoo dadkaas qaarkood uu agaasimay Maamulka.

Qoraal uu Agaasimaha waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir, Xuseen Cabdulle, ku soo qoray bartiisa Facebook ee 30-ka Juun 2025, ayaa lagu sheegay in ay jiraan dad badan oo aan shaqo u qaban gobolka, balse ay mishaar ka qaataan. Tusaale ahaan, Xuseen Cabdulle ayaa sheegay in Cabdinaasir Ismaaciil, sida uu sheegay, tan iyo 2018-kii uu ka qaadanayay gobolka Banaadir lacag dhan $4,800 bil kasta.

Xuseen Cabdulle ayaa sheegay in Cabdinaasir Kaligiis uusan ahayn, balse ay jiraan boqolaal kale oo la mid ah, isaga oo balan qaaday in aysan mar dambe lacagaha aan shaqada ku saleysneyn la siin doonin. ” Canshuurta Hooyo Soomaaliyeed oo maskiin ah laga qaaday laguma dalxiisi doon,” ayuu yiri Xuseen Cabdulle.

Cabdinaasir, oo ka hadlay arrintan, ayaa sheegay in go’aanka lagu jarayo mushaarkiisa uu ku saabsan yahay maamulka gobolka, isagoo xusay inaysan isaga dhibeynin, balse gobolka uu dhib ku qabo. “GOBOLKA BANAADIR, $4800 ee bishii la iga  jartay  ah noloshayda, waxba ka bedeli maayo, laakiin mashaariicdii ICT ee Mareykanka, Ingiriiska, iyo Midowga Yurub aan idiin keenayay waa iska illowaayaan,” ayuu Cabdinaasir ku qoray bartiisa Facebook.

Cabdinaasir waxa uu sheegay in gobolka uu u qabanayey mashaariic la xiriirta Teknoolojiyadda iyo Isgaarsiinta, taas oo uu ka keenayay dalalka Mareykanka, Ingiriiska, iyo Midowga Yurub, iyo in tan iyo 2018-kii uu si daacad ah ugu shaqeynayay.

Arrintan ayaa noqoneysa kiiskii ugu horreeyay ee banaanka yimaada  loogana hadlo ee muujinaya lacagaha mushaaraadka ee gobolka uu bixiyo. Waxaa  horay jiray su’aalo badan oo ku saabsan daahfurnaanta maamulka gobolka iyo sida shaqaaluhu u helaan mushaarkooda, iyadoo lagu eedeeyay kala duwanaanta mushaaraadka  iyo tayada shaqo ee gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here